Washington- Madaxweynaha Dowlada Maraykanka Brack Obama oo booqasho ku tagay qaar kamid ah deegaanadii ay waxyeelada weyn kasoo gaartay dabaylihii ku dhuftay gobolada Koonfur bari ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahau dhibaatadii shacabka goboladaasi kasoo gaartay Musiibada dabiiciga ah,waxaana uu u balanqaaday dadka ay dhibaatadu gaartay in ay qaadayaan talaabo kasta oo uu ugu gargaarayo.

In ka badan 318 qof ayaa ku dhintay dabaylaha ku dhuftay dalkaasi Maraykanka,iyadoona intooda badan ay ku sugnaayeen gobolka Alabama dadka dhintay,waxaana uu gobolkaasi ahaa kan ugu weyn ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Obama waxaa isaga oo ka khudbaynaya Tuscaloosa uu sheegay in aanu waligii Arag musiiba lamid ah tan ka dhacday Alabama iyo weliba gobolada kale ee Koonfur Bari dalkaasi,iyadoona uu sheegay in  waxyeelada ay dabayluhu dhaliyeen ay ahayd tii ugu xooganayd ee mudooyinkan dalkaasi soo marta.

Weli waxaa ka jirta cabsi qaar kamid ah Gobolada kulaala xeebta bari ee dalka Maraykanka,iyadoona laga baqayo in ay dabaysha tornadoes ay mar kale ku dhufatay,waxaana jira digniino ay bixinayaan culimada qaabilsan cimilada hawada ee dalkaasi.

Booqashada Obama ee Gobolada Koonfur bari ee dalka Maraykanka ayaa imaanaysa xili weli ay hoy la aan yihiin kumanaan qof oo kamid ah dadkii ay dabayshu guryahooda baa bi isay,waxaana ay dowlada Obama ka sugayaan in ay wax weyn ka qabato dhibta soo gaartay.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.