Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama Ayaa xaqiiijiyay dhimashada Hogaamiyihii Ururka Alqaacida Sh Usama Bin landin, ka dib howlgal ay ka fuliyeen ciidamadooda duleedka xarunta wadanka Pakistan ee Islamabad.

Goobta uu dilka usama uu ka dhacay ayaa waxay 60 Km u jirtaa magaalada Islam abad ee xarunta dalkaasi Pakistan, waxaanu howlgalka lagu dilay soo jiitamayay tan iyo bishii August ee Sanadkii hore.

Obama ayaa sheegay in howlgalkan uu yimid ka dib  mudo dheer oo ay baaritaano ugu jireen sidii ay u dili lahaayeen ama ay gacanta ugu soo dhigi la haayeen hogaamiyaha Ururka Alqaacida Sh Usama, oo uu sheegay in ay aamin sanyihiin in uu yahay ninka ka dambeya dhamaan falalka argagixiso ee ka dhaca Caalamka .

Dowlada Mareykanka ayaa horay ugu eedeysay Sh Usama Binlandin in uu ka dambeeyay falkii 11kii September 2011 ee dhulka lagu dhigay 2dii daarood ee ugu dheeraa aduunka taas oo dhalisay khasaare dhimasho kumanaan  qof, iyo falal kale oo intii ka dambeysay ka dhacay caalamka .

SBC International News Desk