Washington- Madaxweynaha Dowlada Maraykanka Brack Obama oo shir jaraa id oo uu kaga hadlayo dhibaatadii ka dhalatay dabaylihii khasaaraha badan dhaliyay ee ku dhuftay qaybo kamid ah Gobolada Dalka Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in ay dowladiisu aad uga xuntahay geerida iyo weliba hanti burburka ku yimi shacabkii ku sugnaa goobaha ay dabaysha dufaanta wadatay ay ku dhufatay.

Obama waxaa uu sheegay in ay qaadayaan talaabo kasta oo degdeg ah,gaar ahaana loogu gargaarayo shacabka ku gurya beelay iyo hadii ay jiraan kuwo kale oo lagu la yahay dhismayaasha burburay.

In kabadan 281 qof ayaa ku dhintay dabaylihii ku dhuftay gobolada Koonfur bari dalka Maraykanka,iyadoona  boqolaal kale ay dhibaato dhinaca hoyga iyo nolosha ah ay kasoo gaartay.

Obama ayaa la filayaa in uu booqasho ku tago goobihii ay dabayshu ku dhufatay,iyadoona sida uu sheegay uu la qaybsanayo shacabka goboladaasi dhibaatadii kasoo gaartay musiibada dabiiciga ahayd ee soo wajahday Gobolada Koonfur bari dalka Maraykanka.

Gobolka Alabama ayaa ahaa kii ugu badnaa ee ay dabayshu waxyeelo soo gaarsiiso,iyadoona gobolkaas kaligiis ay ku dhinteen in ka badan 195 qof.

Intii ka badbaaday dhibaatada ka dhalatay  dabaylaha ku dhuftay Gobolada Bari ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ay qaxeen qaar kamid ah gobolada ay dariska yihiin ee iyagu bad qabay.

 SBC International Monitoring