Madaxwayne Obama ayaa u sheegay hogaamiyayaasha Africa in horumarka qaaradda uu ku xiran yahay demoqraadiyadda, xornimada iyo xuquuqda aadanaha.

Khudbadiisii ugu horaysay ee uu u jeeddiyo midowga Africa ee xaruntiisu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, wuxuu ku sheegay in Africa aysan gaari karin horumar hadii hogaamiyayaasheedu ay diidaan in ay xukunka ka degaan marka xilligoodu dhamaado.

Wuxuu intaas ku daray in marka weriyayaasha la xirxiro oo ururada bulshada loo hanjabo, markaas demoqraadiyaddu waa magac ee ma aha mid dhab u jirta.

Isagoo soo xiganaya Nelson Mandela, ayaa Mr Obama wuxuu yiri marka aan tixgalinno xornimada kuwa kale, dhamaanteen xor ayaan noqonaynaa.

150728115939_obama

Khudabadii Obama Ee Maanta (Reuters).

Wuxuu kaloo sheegay in muujiyaha kaliya ee ugu wanaagsan ee horumarka uu yahay sida loola dhaqmo dumarka.

Wuxuu kaloo ka digay musuqmaasuqa in uu dhowr bilyan oo doolar lagala baxo qaaradda, lacagtaas ayuu sheegay in loo adeegsan karay dhismaha iskuullo iyo isbitaallo.

Waa qaybtii ugu dambaysay ee safarkiisa oo sidoo kale uu ku soo maray dalka Kenya.