Madaxweynaha Mareekanka Obama ayaa dib ula noqday magacaabista safiirkii ugu horeeyay ee Mareekanku usoo magacaabay Soomaaliya muda 25 sana kadib.

Dabayaaqadii bishii febuary  ee Sandkaan ayaa markii ugu horeysay 25 sano kadib Marekanka waxa uu safiir usoo magacaabay soomaaliya inay ugu noqoto kathrin Simon dhanaani.

Maamulka Mareykanka  ayaa sheegay in dib ula noqoshaada safiirnimada Mrs Dhanaani ay timid markii ay si shaqsi isaga diiday inay xilka loo magacabay ee safiirnimada Soomaaliya inay qabato.

Kathrin dhanaani, waa Haweenay in badan ka shaqeeysay Afrika lamana oga,  sababta rasmiga ah oo ay ku diiday inay noqoto Safiirka Soomaaliya.

Arrintaan waxa ay timid toddobaad, kadib markii Xog-hayaha arrimaha dibadda ee MareekankaJohn Kerry uu booqasho ku yimid Soomaaliya, waxaana muuqanaya in maalinba maalinta ka dambaysa uu soo hagaagayo xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

SBC, News.