Ammaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo madaxweyne Obama uu ka dagay caawa fiidkii hore.

Markii uu ka dagay madaxweyne Obama ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Kenya, Uhuru kenyatta, kaddibna waxa uu halkaasi ku saxiixay buugga booqashada madaxda ee Kenya.

ku dhawaad toban kun oo saraakiil boolis ah ayaa magaalada la soo dhigay, iyadoo wadooyinka waaweyn ee magaalada la xiray, waxaana hawada ilaalinayay diyaaradaha militeriga Mareykanka.

Obama, oo aabihii Kenyan ahaa, ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee talada haya ee booqda dalka, waxayna warbaahinta gudaha ku tilmaameen safarka madaxweynaha inuu yahay mid uu gurigiisa ku yimid. Obama ayaa la filaya inuu ka hadlo tallaabooyinka dhaqaalaha lagu kobcinayo iyo sida waxa looga qaban karo kooxda Alshabaab, kuwaasi oo boqolaal rayid ah dhawaan ku dilay halkaasi.

Daawo sawirada:150724175247_obama_kenya_512x288_bbc_nocredit