London:- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo socdaal uu ku marayo afar dal oo qaaradda yurub ah ayaa waxa uu maanta lugta labaad ee socdaalkiisa ku yimid magaalo madaxda dalka Britain London oo uu marti ugu yahay Boqoradda dalka ingiriiska Queen Elizebeth isagoo sidoo kalana la kulmi doona Ra’isal wasaare David Cameroon wuxuuna sidoo kale hadal ka jeedin doonaa gudaha guriga Baarlamaanka ee House Of commons-ka dalka ingiriiska.

Obama ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey dalka Britain isagoo maalintii shaley safarkiisa ka bilaabay dalka Ireland kana soo degay Gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Dublin International Airport , halkaasi oo si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Ireland Marry Mcalasee iyo Ra’isal wasaaraha dalka Ireland Enda Kenney.

Obama ayaa la filayaa in ra’iisal wasaaraha Britain uu kla hadlo qorshaha isbahaysiga gaashaanbuurta NATO ee dalka Libya iyo siyaasadaha reer galbeedka ee ku aadan kacdoonada ka socda dunida carabta.

Madaxweyne Obama ayaa intii uu ku sugnaa Jumhuuriyadda Ireland waxa uu booqasho ku tagay tuulo yar oo lagu magacaabo Monigaal oo ay degan yihiin 300 oo kun qof halkaasi oo la sheegay in 37 malyan oo muwaadiniinta mareykanka ah ay asal ahaan ka soo jeedaan uuna kamid yahay Awoowgii dhalay Awoowgii Hooyadii dhalay oo ahaa Kabo tolo ka shaqaysta magaalada Monigaal.

Madaxweyne Obama ayaa khudad u jeediyey Kumanaan kun qof oo Irish ah oo isugu soo baxay barxadda bartamaha magaalada Dublin halkaasi oo uu ka jeediyey hadal ay warbaahinta maraykanku ku tilmaameen inuu si rasmi ah u furay ololahii tartanka doorashada dalka maraykanka ee 2012-ka.

 

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring