Madaxweynaha Maraykanka ayaa abaal mariyay Ciidamadii Maraykanka ee fuliyay Dilkii hogaamiyihii Al qacida Allaha u naxariistee Usama Bin ladin.

Obama waxaa uu amaanay Howl galka ay Ciidamadaasi fuliyeen,isagoo sheegay in uu howl galkaasi ahaa mid kamid ah kuwii ugu waaweynaa ee dalkaasi Maraykanka taariikhda inta la ogyahay soo mara.

Brack Obama waxaa uu sheegay in ay dowladiisa iska difaaci doonto weerar kasta oo uga yimaada Shabakada  Al qacida,iyadoona aanay wax cabsi ah dowladiisu ka qabin weerara uga yimaada kooxdaasi.

Ururweynaha Al qacida ayaa goorsii horaysay xaqiijiyay  dilka Sheekh Usama Bin ladin,iyagoona sheegay in ay u aargudi doonaan hogaamiyahooda,ayna weeraro arxandara ah la beegsan doonaan Maraykanka iyo xulufadiisa.

Maraykanku waxaa ay sheegeen in ay ku ogaadeen howl galkii ay ku dileen Usama Bin ladin,weeraro ay Al qacida qorshaynaysay in ay ku qaado wadanka Maraykanka,iyadoona ay gacanta ku dhigeen Dokumiintiyo cadaynaya arinkaasi.

Inta badan Dowladaha caalamka,gaar ahaana kuwa taageersanaa dagaalka ka dhanka ah Al qacida ayaa waxaa ay ka cabsi qabaan weeraro uga yimaada ururkaasi,gaar ahaana ay iyaga u beegsadaan.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.