Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyed (NUSOJ) ayaa ku tilmaamay mu’amarad & shirqool cadowtinimo ah shir koox is magacowday oo ku qaraabanaysa magaca ururka ay ku qabteen magaalada Muqdisho ee caasimada, kaasi oo ay ku sheegeen in ay doorteen wax ay ugu yeereen hogaan cusub.

NUSOJ waxay cadeynaysaa in shir ku sheegaasi aanu aheyn mid ka turjumaya rabitaanka, sharciyada, dastuurka & qaanuunka ururka, isla markaana dadka shirkaasi abaabulay ay yihiin xubno horey looga eryey ururka iyo kuwa shaqaale ka ahaa ururka oo aanay jirin sabab ay uga hadlaan doorasho & hogaan dhisid.

Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyed (NUSOJ)  wuxuu ku cadeynayaan bayaankan in xubnaha is caleemo saarey ee shirkaasi abaabulay aanay ka mid aheyn guddiga fulinta iyo golaha sare ee sharciga ah, aysanna jirin si ay ku sheegan karaan in ururka ay ku hadli karaan magaciisa ama ay ku qaban karaan shir, waxaana arintaasi u aragnaa mid aanay waxba ka jirin oo sharciga ka soo horjeeda.

“Waa wax lagu qoslo in dad aan shaqo & shuqul midna ku laheyn ururka NUSOJ ay iska abaabushaan shir oo ay is magacaaban, waana arin la yaab ah oo qaanuunka & xeerarka ururka sinaba raad ugu laheyn, taasi oo ah mid mid weji gabax fool xun kusii rideyso shaqsiyaadkan wareeray, waayo dadka is magaacaabay ee shirkaasi isku caleemo saarey uma haystaan sharci & dastuur ay ku qaban karaan shirweyne, waana la yaqaan gudoomiyaha, gudiga fulinta, xoghaha guud ee ururka” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyed (NUSOJ) wuxuu sidoo kale aad uga xunyahay in xubno ka tirsan wasaarada warfaafinta DFKMG ah ay caado ka dhigteen ka shaqeynayta dhabar jabinta & doc faruurka ururka, waxaana arintaasi u aragnaa mid xad gudub ku ah qaanuunka iyo sharciyada saxaafada madaxbanaan iyo halganka uu ururka uu ku doonayo uuna ku difaacayo xoriyadda iyo xuquuqda saxafiyiinta, maadama ururka NUSOJ uu yahay urur madaxbanaan oo shaqaale, ma jirto sabab ay ku soo faraglin karto dawlada ama wasaarada warfaafinta, waxaana arintaasi u aragnaa ujeedo gaar ah iyo abuuris cadaawad aan jirin oo nidaamka awooda dawlada loogu adeegsanayo burburinta axdiga & xeerarka ururka, isla markaan lagu siinayo darajo & xil gacan ku rimis ah dad aan ka mid aheyn ururka, kalsoonida xubnaha ururkana aan haba yaraatee haysan.

“Talaabada ay ku dhaqaaqeen xubno ka mid ah wasaarada warfaafinta dawlada KMG ah si cad ayaan uga soo horjeednaa una cambeereynaynaa, waxaana ka qaadan doonaa talaabo sharciga waafaqsan, nidaamka & xeerka ururka midna ma aqbalayo gacan dhaaf ama gacan togaaleysi aan sharci aheyn oo dawladu ama wasaaradu ku soo fara gashanayso hawlaha ururka, waxaana u cadeyneynaa madaxda sar sar ee dawlada KMG ah, guddiga warfaafinta Baarlamanka KMG ah, laamaha garsoorka dawlada, maamulka Gobolka banaadir, Ururada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda saxaafada Soomaaliyeed, hay’adaha dhawrista xoriyatul qawlka, warbaahinta Soomaaliyeed & dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyeed in xubno ka mid ah wasaarada warfaafinta si dano shakhsi ah xambaarsan ay faragalin toos ah iyo mid dadban oo aan sharci iyo qaanuun aheyn ku hayaan hawlaha ururka”.

“Si kasta oo la isagu dayo & cid kasta oo isku dayda inay afduub ku sameyso hawlaha ururka, dastuurka ururka, nidaamka ururka ma noqon doonaan kuwa  guuleysta, waxaana ururka NUSOJ mabaadiidisa iyo siyaasidiisuba ku qotamaan mirihii ka soo baxay shirweynihii loo dhamaa ee ku qotomay rabitaanka & danaha xubnaha ururka ee ka dhacay Muqdisho bishii March ee sanadkan kaasi oo aqlibiyada gudoonka, & xubnaha ururka ay ka soo saareen go’aano, wixii intaasi ka soo harana ay yihiin ismagacow aan sharci salka ku hayn”.

Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyed (NUSOJ) wuxuu halkan ka cadeynayaa shir ku sheegii ka dhacay Muqdisho ay ka qayb galeen dad lagu tilmaamay saxafiyiin kuwaasi oo suuqa laga soo ururiyey, dad taariikh u lahaa oo lagu yaqaan mucaaradnimiada & dibindaabyada ururka, iyo dad degmooyinka laga soo waday oo aanay jirin hay’ad saxaafadeed oo ay ka socdaan oo ay matalaan iyo kuwa lagu been abuurtey inay ka socdaan xarumo warbaahineed oo la misabitey, sidaasi darteed aanay sharci & nidaam aheyn in lagu sheego in NUSOJ ay ka hadli karaan aayo ka talinteeda maadama waligood ay u lahaayeen taariikh la wada ogyahay dhabar jabinta & hor istaaga horumarka ururka & danaha saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa nasiib daro ah in shaqaalaha wasaarada warfaafinta DFKMG ah oo ah shaqaale dawladeed oo ku hadla afka dawlada kuwaasi oo badankoodu aanay xubin xitaa ka aheyn ururka in lagu sheego inay codeynayaan oo ay doorasho ka qayb galayaan taasi oo ah wax la yaab & amakaaga xambaarsan.

Ururka qaranka saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ wuxuu haystaa aqoonsiga hay’adaha caalamiga ah ee gacan ka geysta horumarinta saxafiyiinta & saxaafada Soomaaliyeed, waxaana xubin buuxda uu ka yahay xiririka saxafiyiinta aduunka ee IFJ, isagoo sidoo kale xubin buuxda ka ad ururada suxufiyiinta ee bariga Afrika iyo Afrika. NUSOJ waxay bahwadaag buuxda la tahay hay’adaha u dooda xoriyadda saxaafadda, hay’adaha xuquuqda bini’aadamka u dooda, hay’adaha dhawrista xuquuqda fikirka aadamaha & hay’adaha caalamiga ah.

Halkan ka eeg warsaxaafadeedka NUSOJ oo la soo dhigay website-ka NUSOJ

Source:: The National Union of Somali Journalists (NUSOJ)