Galabta waxa ka dhaceysa oo iminkaba socota Ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsan koobka gobolada Puntland, gobolada Nugaal Vs Sanaag.

Guud ahaan Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garoowe ayaa ah mid siweyn u buux dhaafiyay dad aad u tiro badan oo siweyn u xiiseynayay ciyaartan .

Ciyaartan waxay aheyd Semi final waxaana Gobolkii badiya Maanta u soo baxayay Wareega Kama dambeysta ah ee Koobka Gobolada Puntland.

Ciyaaryahanada Labada dhinac ayaa waxaa ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan, waxaana ay gebi ahaanteed ku soo dhamaatay 1-1 waxaana la dhigay rigoore yaal ama kool ku laadyo.

Gool ku laadyadii la dhigay waxaa ay ku soo dhamaatay in ay guushu ku raacdo gobolka Nugal,