Telefishinka Nation TV ee wadanka Kenya laga leeyahay ayaa warbixin uu ka diyaariyey qaraxii shaley ka dhacay albaabka xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdishu wuxuu cinwaan uga dhigay “Somalia Suicide bombing misses Wetangul” Soomaaliya qarax ismiidaamin ah oo waydaartey Wetangula, taasi oo uu telefishinku ula jeedo in qaraxaasi uu dhacay uu ka badbaaday wasiirka arimaha dibada Kenya  Moses Wetangula oo xiligaasi ku sugnaa xarunta madaxtooyada kulanna la lahaa madaxda dawlada KMG Soomaaliya.

Warbixinta Telefishinka NTV wuxuu soo xigtey in sanadkii hore xili ay booqanayaan magaalada Muqdisho wafdi sare oo ka socda dawlada Kenya ayna ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandiga Yuusuf Xaaji iyo waliba wasiirka arimaha dibada Kenya  Moses Wetangula uu qarax caynkan ah ka dhacay magaaalada Muqdisho kaasi oo galaaftey nolasha 80 qof.

Warbixinta Telefishinka NTV oo lagu arki karo halkii uu qaraxu ka dhacay iyo sida uu u xoogweynaa qaraxu ka daawo link-ga video-ga hoose.

HALKAN KA DAAWO