Dalka Norway oo ka mid ah wadamada dunida ugu qanisan isla markaana caan ku ah soo saarista gaaska dabiiciga ah, kaluumaysiga & khayraadka kale ee badda oo dadkiisna dhanka dhaqaalaha isku filaansho sare ka joogaan ayaa waxaa laga soo sheegay dhacdo anfariir & yaab badan ku dhalisay shucuubta aduunka ka dib markii lagu baaqay go’aan lagu sheegayo in lagu ganaaxo lacag, qof kasta oo dadka tuugsada ee jidadka ku sugan lacag siiya.

Laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga Progress Party (PP) laguna kala magacaabo Sissel Andersen & Steinar Bergstøl Andersen ayaa ku baaqay in marka hore go’aankan ganaaxa wax siinta dadka wadooyinka ka tuugsada laga bilaabo degmada laga soo doorto ee Kristiansand ee xarunta gobolka Vest Agder ama Galbeedka Agder ka dibna go’aankaasi loo gudbiyo dalka Norway intiisa kale.

Kristiansand oo ah magaalada shanaad ee ugu weyn dalka Norway waxaa ku dhaqan bulsho tiradoodu ka yar tahay 100 kun waxaana labadan siyaasi ay ka qayliyeen dadka tuugsada ee dhooban wadooyinka faras magaalaha iyagoo ugu baaqay maamulka degmada in ay ganaax lacageed oo gaaraya 4500 Kroner oo lacagta dalka Norway una dhigayna ($785) lagu ganaaxo qof kasta oo lagu helo isagoo shilimaad siinaya dadka tuugsada, halkii dadkaasi laga ururin lahaa wadooyinka.

Telefishinka NRK oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalkaasi oo warkan baahiyey ayaa sheegay in labadan siyaasi ay tusaale u soo qaateen go’aan maamulka caasimada wadanka Lithuania ee Vilnius ee ay ganaaxa ku soo rogeen qofkii lagu helo isagoo lacag siinaya dadka tuugsada kaasi oo ka dhaqan galay magaaladaasi.

 “Intii aynu dambiilayaal ka dhigi laheyn dadka tuugsada, waxaan filayaa inay ka haboon tahay sidii aan uga fakari laheyn in 180-degree aan dhinaca kale u jarno oo aan dambiiliyaal ka dhigno dadka lacagta siiya tuugsadayaasha” ayuu yiri Bergstøl Andersen.

Labadan siyaasi waxay ugu baaqeen dadka doonaya inay wax siiyaan dadka tuugsada in wixii ay siinayaan ee lacag ama dhar ah ay u mariyaan ururada u gaarka arimahaasi.Halkan ka akhri warbixin laga qoray arintan

Horaantii sanadkan laba siyaasi oo ka tirsan xisbigaasi PP gaar ahaan magaalada Tromsø  ee gobolka Troms ee waqooyiga Norway waxay  soo jeediyeen in guud ahaanba tuugsiga laga joojiyo magaaladooda iyagoo ku dooday in ay halis ugu jirto inay la mid noqoto magaalada Oslo ee caasimada ah oo uu ku badan yahay tuugsigu.

“Waxaan u cabsanayaa in Tromsø ay la mid noqoto amaba noqoto Oslo yar, oo ay ku soo butaacaan mowjado dadka tuugsanaya, magangalyo doon ah, iyo waliba haweenka jirkooda ka ganacsada” ayey ku doodeen Kristoffer Kanestrøm & Bjørn-Gunnar Jørgensen oo wareysi siiyey wargeyska Nordlys.

Norway oo ka mid ah dalalka aduunka ugu horeeya ee sheegta ku dhaqanka dimuqraadiyada, ilaalinta xuquuqda aadamaha & taageerada bulshada waxay falalkan ku noqonayaan boog wajiga uga taal isla markaana aanay waxba ka jirin sheegashooyinka arimahaasi iyadoo ay soo kordhayaan naceybka loo hayo dadka laga tirada badan dalkaasi oo uu Islaamku ugu horeeyo, waxaana taasi barbar socota dhibaatooyin dhanka xuquuqda aadmiga ah oo dalkaasi ka aloosan.

Bishii October ee sanadkan caasimada Norway ee magaalada Oslo ciidamada Booliisku waxay fal lagu tilmaamay cunsirinimo kula dhaqaaqeen Shuaib Lwasa oo u dhashay wadanka Ugandha kana tirsan hay’adda qaramada midoobay hoos tagta ee UN IPSS ee arimaha isbalka cimilada aduunka.

Shuaib oo ah qabiir ama cilmi baare wuxuu u tagey magaalada Oslo ka qayb galka shir caalami ah oo ku aadan isbadalka cimilada aduunka oo ay dawlada Norway marti galisay, balse intii uu shirku socdey ayuu Shuaib u baxay magaalada isagoo maraya banaanka xarunta Tareemada Oslo ayaa waxaa ku dhegay ciidamada Booliiska kuwaasi oo aan su’aal iyo wax iswaydiin la’aan ugu dhaqaaqay inay baaritaan meel kasta ah ku sameeyaan, iyagoo sheegay inay uga shakisan yihiin in uu yahay daroogo ka ganacsade (Drug Dealer”.

Lwansa oo isku dayey in uu Booliisku u sharaxayo qofka uu yahay iyo sababta uu u yimid Oslo dheg jalaq looma siin iyadoo laga qaaday xariyadiisa mudo saacado ah oo baaritaan sal iyo baar ah lagu sameeyey ilaa markii dambe la iska daayey.Halka ka akhri warbixin laga qoray arintan

Hay’adda uu ka tirsan ee UN IPSS iyo hay’ad kale oo qaabilsaneyd marti galinta shirkaasi caalamiga ah ayaa Booliiska ka dalbadey inay ka bixiyaan cadeyn sababta xadgudubka intaasi la’eg loogu geystey masuulkan, iyadoo baaritaan ka dib taliska Booliisku ay ka bixiyeen raali galin buuxda talaabada ay kula kaceen Shuaib Lwansa.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com