Nin ka mid ah ciidamada laanta amaanka wadooyinka Booliiska ee wadanka Filipiin ayaa soo jiitey indhaha dadka wadankaasi, dadka dalxiisayaasha ah iyo waliba saxaafada ka dib markii uu la soo baxay arin aad u qosol badan oo ah in uu gawaarida faraha badan ee gooshaysa wadada uu ilaalada ka hayo uu ku kala hagayo isagoo music ciyaaraya ama niikinaya.

Ninkan oo lagu magacaabo Ramiro ayaa noqdey nin soo jiitey dad aad u fara badan oo had iyo gooraale ag dhooban wadooyinka Edessa Street & Macapagal Street ee uu ka shaqeynayo oo ku yaal magaalada Manila ee caasimada wadanka Filipiin.

Romiro oo 54 sano jir ah ayaa ka sheekeeyey sida hawshan uu la soo baxay ee qosolka faraha badan xambaarsan uu u arko “hawshan waxaan jeclahay inaan sii wado, kaliya uma arko inaan shaqadeyda ku xafidanayo laakiin waxaan kaloo uga goleeyahay inaan dadka wadooyinka gooynaya iyo wadayaasha gawaarida aan farxad galiyo”.

Filimaanta ninkan oo isagoo niikinaya laga baahiyey qaar ka mid ah Telefishinada caalamiga ah ee aduunka, waxaa la soo sheegin ilaa iyo hada wax shil ah oo ay galeen wadayaasha gawaarida oo aad uga hela qoob ka ciyaarka ninkaasi uu sameynayo.

Romiro mudo lix sano ah ayuu ka mid ahaa ciidamada Booliiska gaar ahaan laanta amaanka wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikiada.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com