Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdinaasir Mahdi Barqad ayaa ku dhaqaaqay talaabo hadal hadal iyo soo jiidasho ku reebtey dad fara badan ka dib markii uu hal habeen la aqal galay laba haween ah isagoo isku mar mehriyey ka dibna la aqalgalay.

Labada haweenka ah ayaa lagu kala magacaaba Sabaad Axmed Muuse iyo Malyuun Aadan iyadoo arooskooda ay la wadaagaan Cabdinaasir uu ka dhacay tuulo ka tirsan degmada Boorame ee gobolka Awdal.

Cabdinaasir oo la waydiiyey sida arintan ay ugu suurtagashay isla markaana uu labada haweenka ah ugu qanciyey in hal habeen uu la aqal galo ayuu klu sheegay in arintaasi ay ku timid “Jaceyl” mudo laba sano ah soo jiitamayey oo uu labada hablood uu la wadaagay, isagoo sheegay in hanta badan aanu haysan balse arinkaasi uu u sameeyey geesino.

Sabaad & Malyuun oo la wareysatey ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin go’aanka ay kula aqalgaleen hal habeen Cabdinaasir waxaana ay sheegeen in ay raali isaga yihiin arooskan.

Cabdinaasir, Malyuun & Sabaad ayaa dhamaantood da’doodu ka badneyn 30 sano waxaana guurkoodu uu noqonayaa mid ka mid ah guurka taarikhda gala.

Hadaba si aad u daawato arooskan la yaabka leh ee aqal Soomaaliga isku aroosay, raalina la isaga yahay iyo waliba dareenka lamaanaha iscalmay oo aad ka dareemayso farxad iyo dhoolo cadeyn, riix link-ga video-ga hoose.Halkan ka daawo

Daawo

Hayaan Faarax
SBC Hargeysa.