Maxkamada dhexe ee dambiyada ee magaalada London ee loo yaqaan  Old Bailey  ayaa maanta xukun madaxaa ha ku furto ah (Xabsi daa’in) u dhigma 26 sano waxay ku ridey Ayaanle Aadan oo 26 sano jir ah ahna Soomaali haysta dhalashada British-ka kaasi oo bishii Bishii August 2012 ku diley Magaalada London Hanad Cusmaan oo 24 sano jir ahaa oo ah Soomaali deganaa London, dilkaasi oo la xiriiro arimo ku aadan Qaad.

Kiler_ayaanle

Gacankudhiigle Ayaanle Aadan

Garsooraha Maxkamada  Old Bailey ayaa ku ridey xukunka Ayaanle ka dib markii uu dhageystey dacwad ku oogayaasha iyo qiraalka gacan ku dhiiglaha ee ah in uu dilkaasi u geystey Hanad Cusmaan, isagoo ku andacooday in uu ku lahaa lacag 20 pound oo u dhiganta 300 USD marxuumka uu qaarijiyey isla markaana uu dhawr mar mindi uu ku handaday markii uu waydiistey lacagta uu ku lahaa sida uu ku doodayo dilaagu.

Dilkan ayaa ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Waaberi Business Center oo ay Soomaali ku leedahay xaafad ay ku badan yihiin Soomaalidu oo lagu magacaabo Streatham kuna taal Koonfruta magaalada London.

Hanad_victim

Hanad marxuumka la dilay

Kaamirooyinka lagu rakibo goobaha ganacsiga iyo kuwa kale ee Jidadka ayaa laga helay muuqaalka Dilaa Ayaanle Aadan oo ku hubaysan laba Mindi oo gudaha u soo galaya Maqaaxida waxaana uu ka galiyey luqunta Hanad Osman oo xiligii la dilayey hoos ugu fooraray telefoonkiisa, iyadoo ay goobta buuxeen dad fara badan oo ahaa macaamiisha Maqaaxida oo lagu cuno laguna Iibiyo Qaadka.

Baaritaanka ay sameeyeen laamaha amaanka waxaa lagu soo ogaaday in Gacankudhiigle Ayaanle Aadan oo uu la socdo Axmed Xasan oo ay saaxiibo yihiin ayaa laga helay muuqaalka Caamirooyinka loo yaqaan CCTV iyagoo Midniyo ka gadanaya dukaanka lagu magacaabo Sainsbury’s waxaana ka dib iyaga iyo koox kale oo rag ah oo wata baabuur noociisu yahay Audi ay yimaadeen goobta dilku ka dhacay, iyadoo Dilaagu uu ka soo degay gaariga ka dibna uu mindida qoorta ka galiyey Marxuuma Hanad oo goobta ku qurbaxay.

Ayaanle Aadan oo balwada Jaadka si weyn ugu go’ay wuxuu macmiil ka ahaa warbixinada Booliiska isagoo gacanta Booliiska galay 26 jeer oo 18 ka mid ah lagu helay dambiyo kala duwan oo ay ka mid tahay xadid baabuur.

qaad_2Maxkamada ayuu ka sheegay in uu doonayey in uu mindiyaha ku cabsi galiyo Marxuumka uu dilay, balse aanay ugu jirin talada in uu dil geysto, laakiin waxaa doodiisa gees isaga tuuray Xaakimka Maxkamada oo ku dhawaaqay go’aanka ah in uu mudan doono xabsi daa’in (ugu yaraan 26 sano ah),  waxaana uu u cuskaday

 “Kani waa dil qorsheysan, waxaa lagu horsameeyey dad hortooda waana mid aan la aqbali karin, waxaana ku dhameystirtay kuna dayacday nolasha qof dhalinyaro ah, mana ahan wax shaki iiga jiro in qoyskiisu ay arintaasi ku abuurey qaracan ayna saameysay dhimashadaasi”.

“Doc kasta oo laga eego waxaad naftaada u horseeday dambi, hab dhaqankan oo waliba meel lagu badan yahay wuxuu ku yahay nolasha dadka qaracan, wuxuuna ka yaabinayaa oo walbahaar ku abuuray qof kasta oo maqla” ayuu sii raaciyey Xaakimku.

Booliisku waxay sheegeen in Ayaanle & Axmed markii dilku dhacay oo 21-kii August 2012 ay u baxsadeen bariga magaalada London halkaasi oo sadex maalin ka dib laga soo qabtey, waxaana maxkamadu ay sii dadeysay Axmed Xasan oo lagu waayey wax dambi ah oo uu gacantiisa ku geystey oo aan ka aheyn in uu la socdey dilaa Ayaanle markii uu Mindiyaha ka soo iibsanayey dukaanka ayna wadajir u yimaadeen goobta dilku ka dhacay abaara 7:15 daqiiqo balse Axmed Xasan uu meesha taagnaa oo aanu wax gacan qaad ah gaysan.

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London