Dhacdo aad loola yaabay isla markaana ka careysiisay dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Sweden ayaa dhawaan lagula kacay nin Muslim ah ka dib markii si qasab ah qoorta looga qabtety oo looga dajiyey Tareen uu ku safrayey taasi oo ay sabab u aheyd salaad uu tukanayey ninkaasi.

Mid ka mid ah tareenada shirkadaha Tareenada dalka Sweden oo u gooshayey degmada Flen ee koonfurta caasimada Sweden ee Stockhlom ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii la socdey nin dhalinyaro Muslim ah kaasi oo intii tareenku socdey tukasho galey, balse isagoo ku guda jira salaadii ayaa waxaa u yimid haweenay aheyd shaqaalaha shirkada taneeka taasi oo hawsheedu aheyd hubinta tigidhada dadka tareenka saaran.

Haweenaydaasi ayaa ninkaasi oo Salaada ku jira waxay ka dalbatey in uu tuso tigidkiisa hase yeeshee ninkaasi ayaa iska sii watey salaadiisii isagoon ka bixin salaada, balse haweenayada ayaa isku dayday inay ninkaasi la hadasho ilaa ay ka tagtey iyadoo caraysan.

Ninkan ayaa si aanu qasin dadka kale ee tareenka la saaran wuxuu ku tukuday qayb banaan oo ka mid ah qaybaha tareenada, hase yeeshee haweenayada tigid hubinta ah ayaa ninka intii uu salaada ku jiray waxay ka riixde dhabarka sida ninkan uu u sheegay website-ka Nyheter24.

 “Waxaan bilaabay salaada, anigoo salaada ku guda jiro ayaa haweenayda tigid eegista uu timid waxaana ay dhabarka iga riixdey ilaa sadex goor, anigoo ku sigtey inaan dhaco, waxay I laheyd ..Hey..ninka I tus tigidkaaga” ayuu yiri ninkan oo sheegay in uu ka yimid shaqadiisan uu ku socdey gurigiisa, isla markaana uu salaada u tukuday si aanay tagin inta uu safarka ku jiro.

Markii uu salaada ka baxay ninkaasi oo uu dareemay inay u tahay xiliga ugu haboon ee uu tusi karo haweenayda tigidkiisa billaha ayuu wuxuu doon doonay haweenayda.

“Markii aan arkey ee aan damcay inaan tuso tigidkeyga, waxay igu tiri hada ma ahan inaad I tusto, waxayna aheyd inaad I tusto markii hore, waxaana ay ii sheegtey inaan tareenka uga dego tareen joogsiga ugu soo xiga” ayuu yiri ninkani oo xusey in haweenaydaasi ay si xun oo cunsirinimo ah ay ula dhaqantey.

Ninkani wuxuu saxaafada u sheegay in sida caadiga ah Muslimiinta ay tukadaan shan jeer 24-ka saac, isagoo sheegay in hada ka hor aanay wax dhibaato ah ka qabsan ku tukushada tareenada.

Markii lagu qasbay ninkaasi in uu tareenka ka dego, wuu diiday, waxaana uu sheegay in uu xaq u leeyahay in uu ku safrmo maadama uu haysto tigid aan dhicin.

“Waxaynu u leenahay xaq inaan tareenka kaa dajino, hadii aadan sidaasi sameyn waxaan u yeeraynaa booliiska ayaa ku tiri ninkaasi haweenaydii”.

Laakiin ninka oo aan haysan meel uu seexdo habeenimadii ayaa diiday in uu ka dego tareenka taasi oo keentey in shaqaalaha tareenka ay Booliis u wacaan, kuwaasi oo ku sugay tareen joogsigii xigay.

Booliiska ayaa markii ninkaasi ay wareysteen waxay xaaladii u weeciyeen dhankale iyagoo sheegay in uu u dhaqmay hab shaki leh, isla markaana waxaa shaqaalaha tareenka ay diideen in uu tareenka dib u raaco, taasi oo keentey in uu ninkii dib ugu laabto Stockholm, isagoo sheegay in uu habeenkii seexday Masjidka  Akalla.

Ninkaasi ficilka foosha xun lagu sameyeey wuxuu u dacwooday shirkadii tareenada iska laheyd, waxaana ay sheegeen in arintaasi ay aheyd mid aan la qaadan karin, isla markaana waxay sheegeen isoo direen tigid qiimihiisu yahay 1000 kronor ama lacagta Sweden ah oo u dhiganta 152 doolar.

Wareysi uu siiyey warbaahinta ayuu ku sheegay in muhiimadiisu aheyn lacag, balse ay uga muhiimsan tahay in uu helo qanac.

Xaalada ninkan qabsatey ayaa la sheegay in loo gudbiyey xafiiska qaabilsan sinaanta dadka ee lagu magacaabo Swedish Equality Ombudsman.

Talaabooyinka xadgudubka ah ee caynkan oo kale ah ayaa ka noqdey wadamo badan oo ka tirsan Yurub & Ameerika iyadoo dalalkan ay ku andacoonayaan in ay dhawraan xuquuqda aadanaha iyo xoriyada diimaha.

Yaasin Faradheere
SBC Stockhlom
yaasinfaradheere@hotmail.com