Nin ku hubaysnaa mindi markii dambana qori dafay ayaa dhacdo argagax iyo anfariir dhalisay ka geystey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland.

Ninkan ayaa dil mindi aad u af badan wuxuu ugu geystey haweenay ay qaraabo ahaayeen ka dibna wuxuu soo abaaray saldhiga Booliiska Faarax Oomar ee xaafada Hodan ee degmada Burco halkaasi oo inta qori ka dafay rasaas la beegsadey askari ka mid ahaa Booliiska saldhiga.

Ninkaasi oo qarigii la lalmanaya doonaya in uu dad kale marto ayaa waxaa dhaawac lugta ah u geystey arkari oo kale oo ku sugnaa saldhiga taasi oo keentey in ninkaasi la qabto.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadri Gacamey ayaa taliska Booliska deegaankaasi waxay sheegeen in uu ka yimid gobolada dhexe ee Soomaaliya, isla markaana haweenayda uu diley ay qaraabo ahaayeen.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku dareyaa in ninkii falkaasi geystey uu haatan ku jiro isbitaalada magaalada Burco isagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran lagu dabiibiyo sariirta Isbitaalka.

Lama oga ujeedada arinkan ka damebsay, si aad u daawato dhacdadan yaabka badan riix Link Video hoose.

HALKAN KA DAAWO

Ridwaan Al-Cadaala
SBC Burco, Togdheer