Waxaa Maanta Barqadii Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lagu dhaawacay Wariye Xasan Maxamed Cali oo loo yaqaan Xasan Anteno oo tirsan Idaacada Codka nabada xarunteeda Boosaaso waxaana wariyaha Dhaawacay nin ku hubeysan Baskoolad

Wariyaha La dhaawacay ayaa ahaa tifaftiraha wararka Idaacada Codka Nabada ee Boosaaso waxaana uu Dhowrkii bilood ee u danbeeyay ka shaqeynayay Idaacada Codka Nabada.

Wariye Xasan Anteno waxaa lagu dhawacay Irida Hore ee Xarunta Idaacada oo ku taala Bartamaha Magaalada Boosaaso Ninka Dilka geystay ayaa ka baxsaday Halka dilku ka dhacay.

Wariyaha la dhaawacay Mr Anteno waxaa ku dhacay Laba xabadood oo kaga dhacay Shafka xaalada Caafimaad ee wariyaha ayaa xilligan ah mid ka soo reynaysay isaga oo lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Boosaaso.

Wixii warar ah kala soco SBC International