Nin hubeysan ayaa maanta rasaas hubiyay rag ku shaahayay Maqaaxi ku taala gudah amagaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Ninkani ayaa la soo baxay Qori, waxaana uu rasaas hubiyay laba nin oo fadhiyay goob meherad ah, waxaana rasaasta ku dhintay mid ka mid ah labada nin uu ninkani hubeysan beegsanayay halka ninka kalena uu dhaawac soogaray.

Sida ay  ku warameen dad goob joogayaal ah ninka geystay rasaaseynta ayaa islamarkiiba ka baxaday goobta waxaana iminka ku daba jira ciidamada Amaanka oo baaraya falkaasi.

Warar hoose oo ay SBC heshay ayaa ku waramaya in ninkan iyo raga uu beegsaday ay horay uga dhexeysay xurguf isalamarkaana dhacdada maanta ay sidaasi ku timid.

Sikastaba ha ahaatee xalaada magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Maamul goboledka galmudug waayadii ugu dambeysay waxay aheyd goob aad u nabadeysan oo aan ka dhicin waxyaabaha amaanka wax u dhimaya.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo