Waxaa maanta lagu qisaasay duleedka Magaalada Garowe C/laahi Isaaq Cali oo da’diisu ahayd sodon iyo kow jir kana soo jeeda gobolka Bakool gaar ahaan deegaanka Bardaale  waxaana qisaasta ku fulinayey wiil uu dhalay alaha u naxariisteen Nabadoon horay loogu dilay Magalada Galkacayo kaasi uu dilay ninkan maanta qisaata lagu fuliyyey  kadibna maxkamadi ku xukuntay in la qisaaso marxuunka.~

Goobta lagu qisaasay oo ahayd mid amaankeeda la adkeeyey isla markaasna la geeyay Warbaahinta ayna goob jog ka hayeen Sarakiisha amaanka iyo Maamulka Gobolka ayaa waxaa warbaahinta kula hadlay halka ay ka dhacaysay qisaastu  Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali waxaa uu sheegay in ninkaani horay ugu dilay magaalada gaalkacyo nabadoon Xasan Alloore  isla markaana uu ka tirsanaa  AlShaab waxaana uu intaa ku daray in dhamaan sidan oo kale loo qisaasi doono dadka dilalka ku xukuman ee ku xiran gobolada Puntland isagoona sigaar ah farta ugu fiiqay dadka ku eedaysan dilaalka la xiriirinayo Ak-shabaab.

Waa qofkii ugu horeeyay oo la sheegay in uu ka tirsanaa  Ururka Al-shabab oo dil horay gaystay isla markaana la qisaaso kaasi oo lagu soo oogay in uu kamid ahaa ururka Al-shaab iyadoo xabsiyada puntland ay ku xiranyihiin maxaa biis badan oo lala xiriirinayo in ka tirsanaayeen Shabaab.

SAWIRADA

SBC News Desk

Click here