Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nijeria ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen qaraxyo iyo weeraro maalintii shalay ka dhacay deegaanka Maiduguri ee Waqooyi bari dalkaasi.

Gen Jack Nwaogbo waxaa uu sheegay in dadka ay soo qabqabteen ay ahaayeen dad ay ku tuhmayaan in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Mintidiinta ah ee dalkaasi,iyadoona haatan kuwo kale ay ku daba joogaan.

Inta la ogyahay waxaa weeraradii Maalintii shalay ka dhacay Maiduguri ku dhintay ilaa 5 qof,iyadoona kuwo kale siyaabo kala duwan isla deegaankaasi loogu dilay saacadihii aynu soo dhaafnay.

Gen Jack Nwaogbo waxaa uu ku eedeeyay weerarada iyo weliba qaraxyada ka dhacay Waqooyi bari Nijeria in ay ka dambeeyaan Kooxda Boko Haram,iyadoona qaraxyo kuwaasi lamid ah ay horay ugafuliyeen sida uu sheegay caasimada dalkaasi ee Abuja.

Sadexdii maalmood ee aynu soo dhaafnay waxaa deegaanada Waqooyi bari ee Njeria ku dhintay in ka badan 30 qof,iyadoona siyaabo kala duwan dadka la dilay loogu weeraray goobaha ay ku sugnaayeen.

Dowlada Nijeria ayaa haatan la yaaban weerarada isdaba jooga ah ee ka dhacaya dalkeeda,waxaana xaalka Nijeria uu u muuqda mid faraha kasii baxaya.