Kooxda Manchester United ayaa ku ekaatay barbardhac gool la’aan ah ee la gashay kooxda Newcastle United ee garoona St. James Park ee magaalada New Castle kulankii 33 aad ee ka mid ah horyaalka Ingiriiska ee Premier League .

Kooxda hogaanka hayso Premier  League ee Man United ayaa waxay isku khasaarisay in ay hesho sadaxda dhibcood ee kulankaasi si ay ugu sii dhawaato koobka Premier league, laakin kooxda  New Castle ayaa wadada ka hor istaagtay oo tiri ima dhaaftid maanta, iyadoo xifaaltan xaga kubada cagta ah uu u dhaxeeyo labadaasi kooxood..

Inkastoo Manchester United ay gashay barbardhac hadana wali kaalinta koowaad ayey ku jirtaa ayadoo ka horeyso kooxda ugu soo dhaw ee Arsenal 7 dhibcood oo iyadu ciyaar adag oo darbi ah la ciyaari doonta caawa kooxda Tottenham, halka kooxda New Castle ee u dhaqaaqday kaalinta 9aad iyo 40 dhibcood.

Cabdifataax Mowliid Xaaji
fatahhaji@hotmail.com