Wararka aynu kaheleyno gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya waxa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeya ciidamada loo yaqaan New Police-ka ee ka howlgala ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Xarkaada Alshabaab uu ka dhacay deegaano ku yaala duleedka magaalada xarunt ah ee Baladweyne.

Sida la soo warinayo dagaalka dhexmaray labadaasi dhinac ayaa ahaa mid culus la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwa, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhawacba leh,

Waxay ku warbixiyeen Masuuliyiiun ka tirsan kuwa gobolka Hiiraan ee Dowlada federaalka Soomaaliya  in dagaalka ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof oo sida la sheegayna ka kala tirsan labada dhinac inkastoo ay khasaaraha xoogiisa ku sheegen  in uu soogaaray xarakada Alshabaab.

Dadka Deegaanka ayaa u xaqiijiyay in xoogag ka tirsan xarakada Alshabaab oo deegaanadaas ku sugnaa ay weerar ku qaadeen tuulooyin xadka u saaran labada gobol waa ismaamulka Soomaalida iyo Gobolka Hiiraane.

Ciidamada New Bolista oo ku xoogan ismaamulka Soomaalida ayaa iyagu ka jawaabay weerarkaas iyagoo dagaal lagalay xarakada Alshabaab .

SBC International Baladweyne