Waxa iminka soo gaba gaboobay Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray xaafadaha kala ah New Dhahar oo ku taala Degmada Dhahar ee gobolka Heylan iyo xaafada Ridwaan oo ka mid ah xaafadaha Magaalada Boosaaso.

Waxaa dhexmartay labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana ay ugu dambeyntii ku soo dhamaatay oo ay guushu raacday xaafada New Dhahar iyadoo la timi dhibco dhan 17 halka xaafada Ridwaan ay la timo 10 dhibic

Waxaa sidoo kale caawa wada tar tarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada Booxaaro oo ku taala degmada Sheerbi, iyo xaafada Horseed oo ku taala Magaalada Garoowe.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan, waxaana labadaasi xaafadood ka mid ahaayeen xaafadaha markii ugu horeysay ka soo qeyb galay Kediska Ramadaanka SBC International, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaatay guushiina ay ku raacday xaafada Booxaaro iyadoo la timi dhibco dhan 13 halka ay Horseed la timi 7 DHibic.