Tartanka Kediska Ramadaanka SBC oo galay habeenkii 3aad waxaa xalay fooda isku daray xaafado ka mid ah 24-ka Xaafadood ee ka qeyb galaya kuwaa soo kala ahaa , Goljanno Waciye   vs  Sandhubo Bargaal
Golis Carmo vs  Hodan Garowe

Tartankii hore oo dhexmaxay Xaafaddaha Goljanno Waciye   vs  Sandhubo Bargaal ayaa ahaa mid xiiso leh, waxaana labada xaafadood ay ahaayeen kuwo aad isu soo adkeeyay diyaar garowgooduna ahaa mid aad u sareeya.

Gaba gabadii tartanka ayaa waxaa lagu dhawaaqay natiijada ka soo baxday, waxaana labadaasi xaafadood ay guushu raacday xaafadda Gojanno Waaciye.

Goljanno Waciye 10 – 7 Sandhubo Bargaal

Qeytii labaad ee Tartanka waxaa iyana is arkay xaafadaha kala ah, Golis Carmo vs  Hodan Garowe Waxaana sidii si lamid ah labada xaafadood la weydiiyay min 6 su’aalood oo isku jir ah waxaana natiijadii kama dambeysta aheyd ku dhawaaqay gudomiyaha Barnaamijka Kediska SBC Sh Liibaan, isagoo sheegay in tartankii caawa ay guushu ku raacday Xaafadda Hodan Garowe.

Golis Carmo 3 – 8 Hodan Garowe

Waxaa xusid Mudan in Barnaamijka xalay si toos ah loogaga daawanayay Tv-ga Caalamiga ah ee SBC aduunka oo dhan, halka gobolada Puntlandna laga dhageysanayay Idaacadda SBC.

Caawa oo ah Habeenkii afraad waxaa Kediska ku kulmi doona 4ta xaafadood ee hoos ku qoran.

Horseed Baran Vs Shimbiraale Qardho
Iftin Baran Vs Qoryacad Qardho.