Tartanka Kediska Ramadaanka SBC oo galay habeenkii 4aad waxaa xalay fooda isku daray xaafado ka mid ah 24-ka Xaafadood ee ka qeyb galaya kuwaa soo kala ahaa , Hilaac Baargaal   vs  Shimbiraale Qardho
Guryasamo Waaciye vs  Qooryacad Qardho

Tartankii hore oo dhexmaxay Xaafaddaha Hilaac Baargaal   vs  Shimbiraale Qardho ayaa ahaa mid xiiso leh, waxaana labada xaafadood ay ahaayeen kuwo aad isu soo adkeeyay diyaar garowgooduna ahaa mid aad u sareeya.

Gaba gabadii tartanka ayaa waxaa lagu dhawaaqay natiijada ka soo baxday, waxaana labadaasi xaafadood ay guushu raacday xaafadda Hilaac Baargaal.

Hilaac Baargaal 11-5  Shimbiraale Qardho

Qeytii labaad ee Tartanka waxaa iyana is arkay xaafadaha kala ah, Guryasamo Waaciye vs  Qooryacad Qardho Waxaana sidii si lamid ah labada xaafadood la weydiiyay min 6 su’aalood oo isku jir ah waxaana natiijadii kama dambeysta aheyd ku dhawaaqay gudomiyaha Barnaamijka Kediska SBC Sh Liibaan, isagoo sheegay in tartankii caawa ay guushu ku raacday Xaafadda Guryasamo Waaciye.

Guryasamo Waaciye 6-5  Qooryacad Qardho

Waxaa xusid Mudan in Barnaamijka xalay si toos ah loogaga daawanayay Tv-ga Caalamiga ah ee SBC aduunka oo dhan, halka gobolada Puntlandna laga dhageysanayay Idaacadda SBC.

Caawa oo ah Habeenkii Shanaad waxaa Kediska ku kulmi doona 4ta xaafadood ee hoos ku qoran.

New Boosaaso, Boosaaso Vs Laan barwaaqo Uffeyn
Biya Kulule Boosaaso Vs Golis Baran.