kedis-logo-2013-jpg
Xalay Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray xalay ayaa waxa ay ka kala dhisnaayeen magaalooyinka Carmo iyo Qardho, Horseed Carmo Vs Kaambo Qardho,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay caawa guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gabeebay Xaafada Horseed Carmo oo la timid dhibco dhan 13 halka xaafada kale ee Kaambo Qardho ay keentay 10 dhibic waxaana sidaasi guushii ay ku raacday xaafada Horseed Carmo, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha  gudiga Barnaamijka, Sheekh Liibaan Mashruuc.

Caawa waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha, Qoryacad Qardho Vs Sandhuubo Baargaal.

Waxaa Xudis Mudan in Habeenkii xalay ka horeeyay oo ay tar tarmi lahaayeen xaafadaha kala ah Mashax goble oo Sheebi ah iyo Raxiis Boosaaso ay san dhicin kulankooda markii xaafada Mashax goble la waayay iyadoona forfite lagu siiyay xaafada kale waa rixiis Bosaso ee dhibcihii tartanka ee 16ka ahaa.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Khaalid Cayuuni
SBC International