kedis-logo-2013-jpg
Caawa Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray caawa ayaa waxa ay ka kala dhisnaayeen magaalooyinka Boosaaso iyo Burtinle, Laanta hawada Boosaaso Vs Daarusalaam Burtinle,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay caawa guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gabeebay Xaafada Laanta Hawada Boosaaso oo la timid dhibco dhan 14 halka xaafada kale ee Daarusalaam Burtinle ay keentay 2 dhibic waxaana sidaasi guushii ay ku raacday xaafada Laanta Hawada Boosaaso, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha  gudiga Barnaamijka, Sheekh Liibaan Mashruuc.

Habeen dambe waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha, Raxiis Bosaso Vs Mashax Goble-Sherbi.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Khaalid Cayuuni
SBC International