kedis-logo-2013-jpg
Xalay Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray xalay ayaa waxa ay ka kala dhisnaayeen magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho,  Xorgoble Qardho Vs New Bosaso, Bosaso.,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gabeebay Xaafada Xorgobole Qardho oo la timid dhibco dhan 13 halka xaafada kale ee New Bosaso, Bosaso ay keentay 8 dhibic waxaana ay guushii raacday Xaafada Xorgobole Qardho.

Caawa waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha, Shimbiraale Qardho Vs Biya kulule, Bosaso.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Khaalid Cayuuni
SBC International