kedis-logo-2013-jpg
Xalay Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray xalay ayaa ka kala  dhisnaa Magaalada Qardho, iyo magaalada Waaciye waxayna kala ahaayeen Goljano Waaciye Vs Qoryacad Qardho.,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Tartanka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Goljano Waaciye oo la timid 11 Dhibic, halka Xaafada Qoryacad Qardho ay la timid 12 dhibic ,  waxaana sidaasi guushii ku raacday xaafada Qoryacad Qardho. 

Waxaa xusid Mudan kulankii Habeen hore ee u dhxeeyay Xaafadaha  Ex ridwan 26june Bosaso Vs  Horsed-Carmo, waxaana uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday Xaafada Ex ridwan 26june Bosaso oo keentay 12dhibic.

Caawa waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha, DaruSalam burtinle Vs  New Bosaso.

Wareega is ar araga hore ee Dhibca tiriska ayaa gaba gaba ah waxaana ka harsan kulamo aan badneyn,

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Khaalid Maxamuud
SBC International