Doorashada waxaa ku Tartamayay 8 Musharax, wareegii Hore waxaana Codeeyay 97 xildhibaan, Sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Baarlamanku,

Codeynta Wareegii Hore waxaa xumaaday 18 Cod oo kamid ah Codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamanka,

Wareega Koobaad ayaa Natiijada loo kala heley sidan :

  • Daahir Cabdulle Cawaale                                       20
  • Yuusuf Axmed Hagar                                                 1
  • Maxamed Caruush Diirow                                      0
  • C/naasir Maxamed Shirwac                                    6
  • Cabdi Faarax Laqanyo,                                               6
  • Maxamed Cabdi Waare                                             44
  • C/kariin Cali Nuur                                                          2

Intaas kadib waxaa Gudiga doorashadu go’aamiyeen in afarta Musharax ee ugu codka badan ay ugudbaan Wareeg labaad, waxaana sido kale isla Goobta ku tanaasulay Labo Musharax oo kala ahaa Cabdi Faarax Laqanyo & C/naasir Maxamed Shirwac

Waxaana sidaasi wareega Sadexaad ee ugu danbeeya ugudbay Maxamed Cabdi Waare & Daahir Cabdulle Cawaale oo natiijo fiican ka keenay doorashada wareegeedii Hore

Kala soco SBC Faah faahinta Insha Allah,