Nairobi:– Beelaha  Cali Saleebaan ku dhaqan Gobolada Jubooyinka ee Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ku caleema saartay suldaan beshaasi u noqda hogaamiya dhaqameedkooda  arimaha beesha looga danbeeyo

Wax garadka Beelaha Cali Saleebaan gaar ahaan kuwa dhaqan gobolada jubooyinka ayaa maanta xaflad caleema saar suldaan ku qabsaday magaalada nairobi ee xarunta dalka kenya , waxana halkaasi cimaamada lagu saaray oo lagu caleema saaray Suldaan Cali Siciid Cawl oo ay beeshu usoo xulatay suldaanka beelaha cali saleebaan ee ku dhaqan gobolada jubooyinka

Munaasabadii caleema saarka suldaanka beesha cali saleebaan ee jubooyinka ayaa waxaa kasoo qaybgalay , waxgaradka beesha , aqoonyahanda  iyo odayaal dhaqameedka beesha ee kasoo jeeda jubooyinka iyo salaadiin iyo odayaal dhaqameed kale oo iyana kasoo jeeda beelaha kale ee Harti iyo Beesha daarood weyn

Dr, Axmed Ciise Qaxiye oo mid ah waxgaradka beesha cali saleebaan ee howshan soo abaabushay ayaa halkaasi ka sheegay in Beesha cali saleebaan ee jubooyinka somaliya degta ay soo xulutay suldaana ka dhigatay suldaan cali siciid cawl , isagoo odayaashii dhaqanka ee goobta joogtay oo qabiil kast lahana ka codsaday inay gudoomaan go’anka beesha ee suldaanka cusub

Dhamaan odayaal dhaqameedkii goobta kasoo qayb galay ee ka kala socday qaybaha kala duwan ee beesha daarood ayaa hadaladooda ku dhuuxay inay si weyn u gudoomeen talada beelaha cali saleebaan ee gobolka jubooyinka , isagoo tibaaxay inay soo dhoweenayaan suldaanka cusub , Cali siciid Cawl oo noqday suldaanka cali saleebaanka jubooyinka

Waxgaradkii goobta joogay ee  hadalada soo dhoweynta suldaanka kasoo jeediyey waxaa ka mid ahaa , Ugaas Maxamud Xuseen Baqow, Ugaas Cumar xiirey,Suldaan Jama xassan , Suldaan maxamud Axmed saalax , xaaji simaaciil xaaji warsame iyo xaaji siciid maxamed xassan, dhamaan wax garadkan ayaa ka tirsan beelaha harti ee kala duwan waxayna halkaasi ku caleema saareen suldaanka cali saleebaan ee jubooyinka Cali Siciid Cawl

Geba gebadii munaasabada caleema saarka ayaa halkaasi lagu caleema saaray suldaanka cusub ee beelaha cali saleebaan ee jubooyinka suldaan cali siciid cawl , waxaana cimaamada saaray ushana u dhiibay Ugaaas maxamuud xasan baqow oo ugu da’weynaa wax garadkii goobta isugu yimi

 Hadal kooban oo  uu halkaasi ka jeediyey suldaanka cali saleebaan ee jubooyinka , Suldaan Cali Siciid Cawl ayuu ku sheegay inuu uga mahadcelinayo beeshiisa soo xulushada ay usoo xusheen xilkaan , waxaana uu halkaasi ku ballan qaaday inuu umada somaliyeed oo dhan sida diinta qabto uu ku dhaqi doono , isagoo sheegay in cali saleeban keliya uusan suldaan u ahayne uu suldaan u noqday Somali oo dhan

 Xaflada oo qado sharafteeda wadatay ayaa ahayd mid ay hadalo badan kasoo jeediyeen wax garadka somaliyeed ee goobtaasi isugu yimi waxaana saxaafada loo qaybiyey Nuqulka baaq ay soo saareen Beelaha Harti Meheri iyo Geri kaasi oo kasoo baxay kulan beelahaasi ku yesheen Nairobi oo looga hadlay Masiirka Beesha

Warkan qoraalka ahaa oo saxaafada loo qaybiyey ayaa lagu cadeeyey in beelaha Harti Meheri iyo Geri  sameysteen , Gudoon ,xubno ka mid ah gudoonka iyo gudi fulin kuwaasi oo dhamaantood ka shaqeyn doona Masiirka beelahaasi.

Daawo Sawirada:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jama Ayanle
Jama Dot Feyte At@Gmail.com

Jama Ayaanle Feyte

Free Lance Journalist in Somalia
Tell:- Nairobi 254718302531
Tell Somali Badhan Sanaag 25290-720912