kedis-logo-2013-jpg
Xalay Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 16da ah ee sanadkan ka qeyb galaya,

Labada Xaafadood ee fooda isdaray xalay ayaa ka wada dhisnaa Magaalada Boosaaso, waxayna kala ahaayeen Biyakulule Bosaso Vs Rixiis Boosaaso.,

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su’aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Tartanka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Rixiis Boosaaso oo la timid 14 Dhibic, halka Xaafada Biyakulyle Boosaaso ay la timid 12 dhibic oo keliya,  waxaana sidaasi guushii ku raacday xaafada rixiis Boosaaso. 

Caawa waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha, Exridwan 26june Bosaso Vs  Horsed-Carmo.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Khaalid Maxamuud
SBC International