Nabadoonada gobolka Bari ayaa ka hadlay xiisado dagaal oo u dhexeeya labeel oo walaalo ah kaas oo ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Karakar .

Nabadoon C.qaadr Axmed Ibraahim Xarago oo la hadlay SBC ayaa cambaareeyay dagaalka ay labadaasi beelood isku adeegsadeen deegaano hoosyimaada degmada Rako ee gobolka Karkaar.

Dhageyso Nabadoon Xarago. RIIX AMA DAAR

Nabadoonka ayaa u diray baaq dhinacyada dagaalamaya iyo dowlada Puntland siiba laamaha amaanka dowlada, isagoo u sheegay dhinacyada dagaalamaya in dagaal aan faaiido laheyn sida ugu dhaqsiyaha badanna ay ku joojiyaan, dowladana ugu baaqay in ay ka qaadato kaalinteda hakinta xiisadan.

Waxa uu sheegay nabadoonku in xiisada labadan beel ay soo laalaabatay marar badanna la isku dayay in xal laga gaaro colaadooda labadan beel balse ay noqotay mid mira dhaliweyda,

Shaqaaqooyin shalay ka dhacay deegaanadaas ayaa la sheegay in ay ka dhasgeen khasaare aan la xaqiijinin kaas oo soo kala gaaray labada beel ee dagaalamay sida la rumeysanyahay .

SBC International News Desk