Nabadoon Daahir Aadan Dhangad oo ka mid ah nabadoonada gobolka Mudug ee Puntland ayaa saxaafada u qabtay kulan saxaafadeed isagoona eedeymo dusha ugaga tuuray madaxda dowlada fededraalka Soomaaliya iyo odayaal ku hadla magaca Beelaha Hawiye.

Nabadoonka waxa uu sheegay in madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ay ku guul dareysteen in ay matalaan Shacabka Soomaliyeed islamarkana ay tahay in ay kursiga isaga degaan,

Waxa uu amaanay madaxweynihii hore Soomaaliya iyo xubno kale oo ka mid ah 2da gole ee Baarlamanak Soomaaliya isagoo sheegay in madaxweynihii hore Somalia uu ahaa nin matali karay umada Soomaaliyeed, iminkana xubno 2 ah oo baarlamanka iyo golaha wasiirada ku jira oo keliya ay ugaga muuqato hada in ay matali karaan Somalia sida wasiirada adeega bulshada ee Dowlada federalka Marwo Mayan Qasim iyo Maxamed Cumar dalxa oo xildhiban ah.

Waxa uu sheegay in Madaxda dalka ay ku guul dareysteen mudadii ay kursiga ku fadhiyeen ka shaqeynta arimaha gudaha siiba tan magaalada Kismaayo ayna indhahooda ku siijeedaan dadka Reer Jubaland ee dhistay maamul mideysan.

Waxa uu ku tilmaamay in aanay matalin beelaha hawiye nabadoono uu sheegay in ay ka mid yihiin Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye uuna si weyn u garanayo isagu yihiinna dad heysta guryo dad leeyahay .

Dhageyso hadalada Nabadoon Dhangad.RIIX AMA DAAR

Dhinacyo kale oo badan ayuu nabadoonku ka hadlay sida codkiisa aad ku maqashen waxaana hadaladaas ay ku soo aadayan xili dhowaan odayaasha beelaha hawiye ay kulan ku soo hadal qaadeen arimaha Juabland iyo siyaasada Soomaaliya.

SBC International News Desk