Deegaan lagu magacaabo Quracdoonyo oo ka tirsan gobolka Nugaal waxaa maanta ka dhacday Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo lagu caleema saarayay Nabadoonka Beesha Nuux Muuse oo ka mid ah beelaha dega gobolkaasi Nugaal,

Xaflada waxaa ka qeyb galay nabadoono, Waxgaradkale, Odayaal iyo weliba Masuuliyiin ka kala tirsanaa goleyaasha Dowlada Puntland iyo Maamulka Caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxaa halkaasi laga soo kala jeediyay Hadalo aad u taabanayay nabadoonka cusub ee la caleema saaray, waxaana dhamaantood odayaashii, waxgaradkii iyo masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ay ugu duceeyeen nabadoonka cusub in uu alle la garab galo xilka uu qaaday.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowlada Puntland Maxamuud Ceydiid Nuur oo ka mid ahaa Masuuliyiinti golaha wasiirada ee ka qeyb galay xafladaas ayaa  u hambalyeeyayNabadoonka cusub isagoo u soo jeediyay in uu ka soo dhalaalo Xilka Nabadoonnimo kana shaqeeya Nabada iyo waxyaabaha Horumarku ku jiro.

Nabadoon Maxamuud Cabdulaahi Jaamac oo ah nabadoonka loo caleema saaray Beesha Nuux Muuse ee gobolkaasi Nugaal ayaa si diiran ugu mahadceliyay masuuliyiinta iyo waxgaradka kale ee ka soo qeyn galay xaflada isagoona dalbaday in loo duceeyo wada shaqeynna loo muujiyo .

Sawiro
IMG_1719 IMG_1723 IMG_1735 IMG_1745 IMG_1771 IMG_1802 IMG_1805 IMG_1816 IMG_1860

SBC International Garoowe