Nabadoon cabdulqaadir axmed xarago oo kamid ah nabadoonada gobolka bari ee puntland ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in odayaasha dhaqanku ay ku shaqeeyan rabitaanka dadkooda 

Dhawaan ayay ahayd markii uu Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad uu shirka kasocda magaalada kismaayo laguna dhisaayo maamulka jubba land uu kutilmaamay mid saddex ujeedo laga leeyahay saddexdaasi ujeedo oo uu kutilmaamay.

1:Geedi socodka Nabada ee soomaliya in lacar qaladeeyo
2:Dowlada soomaliya oo lamucaarado,shaqada ay wadana lagu curyaamiyo
3:In loogu shaqeeyo shirka kasocda kismaayo dowladaha jaarka la ah soomaliya

Hadaba gudoomiyaha Nabadoonada gobolka bari Nabadoon Cabdulqaadir Ibraahim Xarago oo waraysi gaar ah siiyay SBC International ayaa waxa uu sheegay in Nabadoon xaad arimaha uu kahadlay ay yihiin arimo aad khatar u ah lagana filanayn in uu kuhadlaayo nabadoonku .

”In odayaasha dhaqanka waliba ninka layiraahdo xaad arimaha uu kahadlay waa kuwo khatar ah oo waliba aan waafaqsanayn xeerarka dhaqanka soomaliya waxay lahayd dhaqan kashaqeeya midnimada umadda iyo is dhexgalka bulshada saa darteed aad iyo aad ayaanu uga xunahay sida uu uhadlay hurinta dhibaatoyinka iyo colaadahana uu usheegay ”Sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka bari Nabadoon Cabdulqaadir Ibraahim Xarago.

xarago
Nabadoon Xarago ayaa xusay sidookale in dadwaynaha kudhaqan gobolada jubbooyinka iyo gedo ay samaysanayaan maamulka jubbaland ayna yihiina kuwa ku mideysan maamulkooda,wuxuuna intaas ku daray in tallaabada ay wadaan ku doonayaan in ay kaga gudbaan burburka iyo dhibaatada ay Soomaaliya soo martay.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay Nabadoon xarago in looga baahanyahay in ay garab istaagto dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee kuhowlan maamul ay ku midaysan yihiin .

Dhinaca kale Sakariye Maxamed Isticmaar oo isna kamid ah aqoonyahanada reer puntland ee kusugan magaalada Boosaaso ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in lagama maar maan ay tahay in lataageero dhismaha maamulka jubbaland .

”Waxaan wll kamid ah dadka taagersan dhismaha jubbaland,madaxda ugu saraysa dalka waxaan leeyahay ha u bilabinina umada kala qaybsanaanta rajo wanaagsan ayaa muuqata marka waxaan leeyahay yaan dabool lasaarin rajada wanaagsan ee soo bidhaamaysa hana lataageero dhismaha maamulka jubbaland ”Sidaasi waxa yiri Sakariye Maxamed Isticmaar .

Maxamed Xirsi Cabdi {Jabra}
SBC International Boosaaso