Waxaa maalmihii ugu danbaysay ka soconayay garoonka ku badda cagta ee Mire Awaare ciyaaraha isreebreebka heerka koowaad ee gobalka Nugaal kaasi oo afarta kooxood ee ka soo baxda ay ka qayb galayaan tartanka kubbadda cagta ee horyaalka Puntland,.

iyadoona galinkii danbe ee shalay ay ciyaar aad u xiiso badani ka dacady Garooonka kubbadda Cagta ee Mire Aware ee Magaalada Garowe Kooxda SBC iyo Kooxda Dowlada hoose ee Degmada Burtile qaybna ka ahayd isreereebka Naadiyada heerka koowaad oo looga sii gudbayo  horyaalka Nadiyada heerka koowaad ee Puntland dhawaana ay wado wasarada ciyaaraha ee Puntland.

Ciyaarta oo ahayd mid degan taagerayaal aad u badan oo kala tageerayay labada naadi ay soo buux dhaafsheen Garoonka kuwaa soo qaarkood ay wateen Cod bahiyaal ay ku  dhawaqayen hadba kooxda ay tagaerayeen.

Qaybta hore ee ciyaar oo labad koxod ay soo bandhigeen ciyaar aad u soo jiidatay dawadayashii Ciyaarta, ayaa kooxda SBC ku ciyaaraysay waxaa ay hesha gool ku laad ama Rigore hadba sida loo yaqaan kadib markii uu gacanta ku dhuftay kubad laga soo laaday dhanka koornada mid ka mida ciyartoydii ku ciyaraysay magaca Dowlada hoose ee Burtile, waxaana garsooruhu uu u xukumay in si xor ah u laato Kabtanka kooxda SBC Cumar Yare oo ku hubsaday shabaqa taas oo keentay in ay ciyaarta qaybta hore ku hogaaminayeen Naadiga SBC hal gool iyo waxba.

Qaybtii danbe markii laysku soo noqday ayaa ciyaartu waxaa ay noqotay mid sii adkatay oo labada  kooxood ay la soo baxeen ciyaar halka Nadiga Dowlada hoose ee Burtile ay doonaysay in ay iska soo gudo goosha oo kuwa kale ay dhaliso badina kaga tagto Garoonka ayaan u suurtoobin kadib markii ay dhaafi wayday Daafaca  hore ee kooxda SBC.

Halka naadiga SBC uu isna difaacaneyay Goosha qura ee uu ku helay gool ku ladka ayaa ciyaartu waxaa ay ku soo gabo gaboowday hal gool iyo eber oo ay guushu ku raacday Naadiga SBC oo ku matanaysay Ha’yada Puntland AIDS Commutation ee PAC, isla markaasna u soo baxaday naadiyada heerka koowaad ee ka qayb galay horyaalka Naadiyada Puntland  kadib markii ay labadii ciyaarood ay la dheleen koxaha Maamuus iyo Kooxda Cidamada Xooga ee Horseed balse ay ku kala baxaeen barbar dhac,

Tababaraha kooxda SBC C/qaadir Faarax oo kula hadlay garoonka Warbaahinta ayaa rajo wanagsan ka muujiyay Kooxdiisa kuna tilmamay kuwa hanan kara koobka dhawaan lagu wado in ay ka qayb galaan ee Horyaalka Puntland,

Waxanaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan afar naadi oo ka qayb galay tartanka, Garowe halka Magalooyinka kalena laga doonayo sida Bosaso sadex nadi iyo qardho oo wada socda Galkacayana laga doonayo sadex naadi.

DAAWO SAWIRADA

Yusuf Maxamed Mmaxamud (Yusuf Yare)
SBC International Garoowe