Ciyaar aad u xiiso badan ayaa  galabta waxa ay kadhcaday garoonka kubbadda Cagta Ee Stadium Mire Awaare taasi  oo dhexmaraysay Naadiyaasha Cadaley iyo naadiga  SBC waxaana ka soo qayb galay daawashada ciyaartaasi dadweyne aad u fara badan oo galabnimadii horeba ku soo  uruuray garoonka .

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah madaxda sportiga gabalka Nugaal oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Sportiga Gobalka Nugaal C/risaaq Nuur  iyo agaasimaha guud ee wasaarada Dhallinyarada  Sportiga Shaqada iyo Shaqaalaha Axmed Xasan Bile oo sheegayinay tahay wax lagu faanikaro ayna qayb ka tahay isdhexgalka bulshada qaybaheeda kala gadisan.

Ciyaarta ayaa bilaabatay 4:00 galabnimo waxaana firinbigii ciyaarta lagubilaabi lahaa ku dhuftay garsooraha ciyaarta baaska koowaadayaa waxaa loo dhiibay kooxda kasocotay dhankaa iyo gobalka Mudug waxaana bilowday hardanka  u dhaxeeya labada kooxood  oo ay mid waliba ku doonayso inay midda kale meesha ugaga saarto koox walibana waxay soo bandhigaysay  ciyaar wanaag dhankeeda ah.

Ciyaartu markii ay marayso daqiiqadihii ugu horeeyayba waxaa waxaa u suurto gashay naadigii ku ciyaarayay magaca warbaahinta SBC inay shabaqa cadalay ku hubsadaan gool aad uquruxbadan uuna u saxiixay laacibka naadiga SBC  uga Ciyaara khadkadhexe ee lagu  magcaabo Maxamed Siyaad, taasi oo kor u qaaday niyada ciyaartoyda waxaana  sacab  iyo sawaxan lagamaqlayay tarabuunka oo ay fadhiyeen shacab usoo daawaho tagay ciyaartaasi waxaa iyana durbadiiba weerar xoogan soo qaaday kooxda Cadalay taasi oo isku dayaysay inay mar uun soo taabato shabaqa naadiga  SBC si  ay isaga soo celiyaan goolka lagu leeyahay balse waxaa  taasi diiday naadiga  kasoo horjeeday, waxayna galeen naadigii ku ciyaarayay magaca SBC difaac iyo waliba qayb weerar ahba.

Qaybtii hore ee ciyaarta  ayaa waxa ay ku soo gabagabooday 1-0 oo ay  leedahay kooxda SBC waxaana la  soo gaaray  xilligii ay macallimiinta kooxuhu muujiyaan qaab ciyaareed kooda ugu danbeeya waxaadna moodaysay in labada kooxoodba ay isku  dayayeeninay wax ka badalaan qaabkii hore ee ayu ciyaarayeen qaybtii koowaad ee ciyaarta.

Markii la soo gaaray qaybtii labaad ee ciyaarta ama kaabiyada waxaa weerar xoogan soo qaaday kooxda ku ciyaaraysay xaafada Cadalay ee magaalada Gaalkacyo waxaase difaacay weeraradaasi difaaca kooxda  SBC Waxayna u muuqanaysay Qabtii danbe ee ciyaartu weerariyo weerar  celis oo ay koox waliba doonayso inay iyada guushu ku raacdo.

Markii la marayay qaytii ugu  danbaysay   ee ciyaarta ayaa waxaa mar kale u suurtogashay kooxda SBC inay kaga naxsadaan shabaqa Kooxda Cadalay gool labaad taasi oou dhaliyay ciyaaryahanka ku ciyaarayay lambarka 18 oo lagu magacaabo Sadiiq C/rixmaan Maxamud kaasi oo meesha ka saaray natiijadii ay naawilayeen kooxda Cadalay, waxaana mar labaad isla kacay  taageerayaasha kooxda SBC daqiiqado kadibna waa la yeeriyay firinbigii gabagabada ciyaarta waxayna ciyaartii ku soo idlaatahay 2-0 oo ay guushu ku raacaday Naadigii kuciyaarayay magca Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed  SBC.

Markii ay soo dhammaatay ciyaartii ayaa wax ka waydiinay qaar kamid ah ciyaartooydalabdaii naadi ee galabta ciyaartu dhexmartay waa kan kabtanka kooxdii laga guulaystay ee Cadalay”Sxb gari laba nin kama wada qosliso,markayaga ayaan guulaysan doonaa aad ayaana u soo dhawaynayaa guusha kooxda SBC “Ayuu yiri kabtanka kooxda Cadaley oo lagumagacaabo Shucayb.

Kabtanka Naadiga SBC Cumar C/nuur Muuse oo ay wajigiisa farxad aan la soo koobikarin ayna dhinacyada ka taagnaayeen dhowr kamid ah taageerayaashiisa ayaa yiri “aad iyo  aad ayaan  ugu faraxsanahay guusha aan maanta gaarnay waana mid aan horayba  u filaynay waxaana leenahay saaxibadayo  “gari laba nin kama wada qosliso “.

DAAWO SAWIRADA

Yusuf Maxamed Maxmuud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe