Warbaahinta dalkan Koonfur Afrika, ayaa si aad ah uga hadashay dilkaasi waxuushnimada ah ee dhagarqabayaashaasi u gaysteen wiil Soomaali ah oo si geesinimo leh iska caabinta ku dhintay.

Allah u naxariisto waxaa lagu dilay tuulada Mdanzani ee u jirta East london 15KM marxuun Maxamuud Abdulahi Ahme (Ilka case)

Sida ay ii sheegeen goob joogayaal waxaa dukaankiisa oo ku yaalo tuuladaasi u yimid afar nin oo hubaysan kadib waxeey si boobsiis ah xabad ugu fureen marxuunka dhintay isaga uu la joogay yar kale waxeeyna haysteen sida la sheegay qori aan sharci lahayn weyna iska caabiyeen tuugadii oo aan wax hanti ah qadan ayaa halkii isaga huleelay hayeeshee marxuumka ayay halkaasi ku dileen.

Allaha u naxariisto Maxamuud waxaa shalay lagu aasay qabuuraha ku yaalo magaalada King Williams Town.Waxaa falal guracan oo ka dhan ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed sanooyinkii ugu danbeeyay loogu gaysanayey dalka Koonfur Afrika, dilkan ayaa ah muwaadiniinkii ugu damneeyey ee Soomaali ah  lagu dilo Magaalada East London, taasi oo sii murjinaysa niyadda Umadda Soomaaliyeed

Saadaad Ahmed Gobey
SBC international
cape town, Koonfur Afrika.