Wiil Soomaali ah ayaa subaxnimadii talaadada lagu qaarajiyay gobolka eastern cape ee dalka koonfur afrika gaar ahaan drrgaan hoos tago magaala madaxda gobolkaas ee Port Elizabeth.

Dilkan ayaa ahaa mid qorsheysan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad deegaanka ku dhowaa oo aan la xiriirnay markii dilka uu dhacay ka dib.

Dukaanka waxaa la furay aroortii hore ee saaka, wiilka ayaa furay markii uu bilaabay in uu howlihiisa gudo waxaa soo kalay labo nin oo ku labisnaa dhar madow waxa ay si gadis ah madax uga dhufteen xabad muwaadinka Soomaaliyeed sidaas waxaa yirih shaqsi diiday in magaciisa la soo xigto oo ku sugan B. E

Muwaadinka la dilay oo wali aan magaciisa la xaqiijin ayaa la sheegayaa in uu dalka ku sugnaa mudo yar, waxa uuna mardhow ka shaqo bilaabay halkaa asagoo mudo shaqo la’aan ku ahaa dalka.

Warbaahinta koonfur Afrika wali ma xaqiijin dilka muwaadinkan maadaama ay aad u yartahay warbaahinta gobolka ayna adagtahay in wax badan laga ogaado dhacdadan.

Wariye Soomaali ah oo ka tirsan shabakada caanka ah ee globalnews ayaa booqday halkaa asagoo halkaa u joogo howlo shaqo, ma bixin warbixin buuxdo oo la xiriirta dhacdan.

Koonfur Afrika waxa ay ka midtahay dalalka soomaalida ay naftooda ku waayeen mudooyinkii u dambeeyay, dowladana wali waxaa muuqato in ay ka caga jideyso magangalyo buuxdo in ay siiso dhibanayaashan soomaaliyed.

Soomaalida waxaa muuqato in ay isa siiyeen dalkan waayoo waxa ay iloobeen taxadarkii ay naftooda kalin lahaayeen maadaama aysan ka fiirsan halka ay ganacsiga ka furayaan.

Saadaad Ahmed Gobey
sadaamg@mail.com
Cape town-koonfur Afrika.