Mohamed Hussein Said Oo U dhashay Dalka Kenya ayaa qirtay inuu taageerayay seddex urur aragagixiso oo kala duwan,

Wuxuu Sheegay inuu Lacag iyo dhalinyaro qoris ku caawinayay dagaalyahanada ka kala dhisan Soomaaliya iyo Syria, sida Ay Sheegtay Wasaaradda cadaalada dalka Mareynkanka.

Sida lagu qoray Wakaalada Wararka ee AFP 27-sano jirkaan ayaa lagu eedeeyay inuu taageero maadi ah siinayay waxay ugu yeereen ururo argagixiso oo ka dhisan dibad,sida lagu sheegay warka ka soo baxay waaxda cadaalada Mareynkanka.

 Ninkaan Kenyanka ah ayaa lagu oogay 15-dacwadood oo qeyb kala noqonayo nin kale oo la yiraahdo Gufran Ahmed Mohammed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Mareynkanka laakiin degan dalka Saudi Arabia.

Ragaan ayaa sanadkii hore lagu xiray dalka Saudi Arabia ka dibna loo gudbiyay magaalada Miami ee dalka Mareynkanka si halkaasi baaritaano ay ugu sameeyaan FBI-da Mareynkanka.

14-ka bisha August Ayaa La Filayaa iney Dhacdo maxkamadeynta Ninkani, iyadoo hadii danbiga loo heysto lagu cadeeyo uu muteysan doono 15-sano oo xabsi ah,sida lagu yiri warka ka soo baxay waaxda Cadaalada Mareynkanka.

SBC, News.