Madaxweynaha wadanka Yemen Cali Cadalla Saalax ayaa markii ugu horeysay waxaa la soo bandhigay muuqaalkiisa, iyadoo dhaawac xumi uu ka muuqdo isla markaana gacmihiisa aan qaadin karin, gacanta midig ayaa aad uga muuqdaa dhaawac xun.

Cali C/lla Saalax ayaa ka hormuuqday Taleefishinka isagoona aan wax dhaqdhaqaaqa ah aysan samaynayn gacmihiisa,waxaana uu ahaa mid ku dhaganaa kusriga uu fadhiyay.

Filimka muuqaalka ah ee laga qaaday Madaxweyne Saalax ayaa qofkii horey u yaqiin wajigiisa uu aad uga naxayaa sida dhaawaca ka soo gaarey weerarkii lala beegsadey masjid ku yaal xarinta madaxtooyada uu badaley wajigiisa & muuqaalkiisa.

Cali Cabdalla Saalax oo cimaamad wata isla markaana qamiis wata garka oo cireystayna uu ku baxay ayaa ku daawan kartaa filimkan.Link-ga Video-ga hoose ka daawo muuqaalkan naxdinta leh ee madaxweyne Saalax.
Halkan ka daawo