Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa isku shaandheyn iyo is bedel ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka,

Waxaa Ay tallaabadan tahay tii u horeysay ee uu Guddoomiyuhu uu isugu shaandheeyo Guddoomiyeyaal degmo, Oo Ka Tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiyihii degmada Shingaani Saciid C/qaadir Saciid xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana uu noqday qofka kaliya ee xilka laga qaaday, halka saddex Guddoomiye laga kala bedelay degmooyinkii ay hayeen.

Guddoomiyaha degmada Shibis C/fataax ayaa loo bedelay degmada Kaaraan, halka Guddoomiyihii degmada Kaaraan isna loo bedelay degmada Shingaani, waxaa kaloo isna degmada Shibis loo soo bedelay Guddoomiyihii degmada Waabari.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiye Muungaab Guddoomiye cusub u magacaabay degmada Waabari, waxaana wararka qaar sheegayaan inay jiraan Guddoomiyeyaal degmo oo is bedelo lagu sameynayo, kuwana laga kala bedeli doono degmooyinka ay madaxda ka yihiin.

Lama oga ilaa iyo hada sababta xilligan ku soo beegtay isku shaandheyntan, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Muungaab uu xilka haayo sanad iyo bilooyin.