Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax laqanyo,Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdikariin Cali Nuur ayaa qudbado ka hor jeediyay xildhibaanada baarlamaanka iyo qaar ka mid ah bulshada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guud ahaan musharaxiinta ayaa waxa ay ka hadleen qodobo badan oo uu mid walba ku sheegay in dowlad goboleedka Hirshabelle ka dhigayo meel barwaaqo ah oo nabad ah.

Ballanqaadyada ay sameeyeen musharaxiinta waxaa ka mid ah dhinacyada dib u dhiska,dayactirka wadooyinka, ammaanka, caafimaadka,waxbarashada

Xildhibaanada baalamaanka iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay dhagaysiga qudbadaha iyadoo ammaanka xarunta shirkadda Farjano oo uu ku dhex yaal hoolkii lagu soo doortay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble aad loo adkeeyay.

Waxaa lagu wadaa in berri ay musharaxiinta dhiman ay qudbadahooda jeediyaan iyadoo shan musharax la qorsheeyay inay qudbadahooda jeediyaan.

Doorashada Madaxtinimada ee Dowlad Goboleedka Hir-shabelle ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladda Jowhar iyo Caasimadda Muqdisho oo ah halka ugu weyn ee laga Hago Siyaasadda Dalka

DAAWO WARBIXIN :