Musharixiin 30 kor u dhaafeysa oo isku soo taagay Xilka Madaxweyne nimada Soomaaliya

Ku dhowaad 35 musharax oo u taagan xilka madaxweyne nimada Soomaaliya ayaa u gudbiyay codsigooda  gudiga uu u xilsaaray baarlamanka Soomaaliya ka shaqeynta doorashada Madaxtinimo ee soo wajahan.

Musharixiinta is sharaxay ee u taagan xilka madaxweyne nimo ayaa u muuqda kuwo dhamaan fuliyay sharuudihii uu gudiga doorasahada ku xiray, waxaana sida la sheegay wali soconaya isdiiwaan gelinta musharixinta.

Maalintii shalay ayay si rasmi ah u bilaabatay qabashada codsiyada musharaxnimo ee kursiga madaxweynaha waxaana uu gudigu shaaciyay in maalinta khamiista ee 6da bishan ay xirmeyso qabasahada araajida .

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan musharixiin horay u shaaciyay in ay xilkani u taagan yihin oo iminka la noqday musharaxnimadooda ka dib sharuudaha adag ee ay soo bandhigeen gudiga doorashada,

Waxaa dhinaca kale muuqaneysa Ol lole Balaaran oo ay musharixiinta u taagan madaxweyne nimada Soomaaliya ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho iyagoo kulamo ku qabanaya hotelada magaalada kuwooda waaweyn, halkaasna ku soo bandhigaya ol olahooda doorasho

Sida balantu tahay maalinta 10naad ee bishan 9laad ayaa lagu wadaa in ay si rami ah u qab soonto doorashada madaxweyne nimo ee Soomaaliya, iyadoona ay iminka muuqanayaan musharixiin aad u tiro badan oo isku soo sharaxaya xilkani.

 

Daalacatey :567

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print