Maanta oo ah Arbaco 13-ka September waxaa Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamul Goboleedka Hirshabelle ka bilaaban doonta Dhageysiga Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Musharaxiinta ayaa la sheegay in illaa Afar kamida Maanta laga dhageysan doono Qudbad ay uga hadlayaan Barnaamijkooda Siyaasadeed,waxaana Xildhibaanada Hirshabelle lagu Wargeliyay in ay Maanta soo Xaadiraan,

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa loo balamay in la qabto Maalinta Sabtida ah ee soo socota,waxaana Xilka Madaxweynaha Hirshabelle ku Tartami doona illaa 8 Musharax inta illaa hadda is-diiwaan gelisay.

  1. Cabdikariin Cali Nuur.
  2. Daahir Cabdulle
  3. Maxamed Cabdi Waare.
  4. Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).
  5. Cabdinaasir Shirwac Maxamed.
  6. Maxamed Caruush Diirow iyo
  7. Cabdiraxmaan Xuseen Caddow
  8. Cabdi Faarax Laqanyo.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gelinkii dambe ee shalay xarunta guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu guddoonsiiyay musharaxiinta shahaadooyin musharaxnimo kadib markii ay soo dhameystireen dhammaan shuruudaha musharraxnimo.

Musharax Cabdi Faarax Laqanyo oo kamid ah musharaxiinta ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle,waxana uu ku ammaanay Guddiga dadaalka ay sameeyeen mudada gaaban ee loo diyaargaroobayay doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Udiyaar garowga doorashooyinka ayaa ku socdo si lixaad leh ayada oo laga dareemayo guuxa siyaasadeed iyo ololaha kama dambeynta ah ee doorashada magaalada Jowhar. Inta badan musharraxiinta xilka madaxweynenimo ayaa ku sugan magaalada Jowhar. Illaa siddeed musharrax ayaa la xaqiijiyay in ay ka qeyb qaadan doonan doorashada oo dhici doonta 16ka bishan September oo ku aadan Sabtida soo socota.

Doorashadan ayaa imanaysaa kadib markii horaantii bishii la soo dhaafay ay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynihii hore Cali Cabdulaahi Cosoble.