Musharax Xaaji Maxamed ismaaciil yaasiin ayaa halkaasi sidoo kale ka jeediyay hadalkiisa kaga aadan xiliga doorasahada hadii loo doorto madaxweyne nimada Soomaaliya.

Musharaxa ayaa u soo bandhigay Xildhibaanada waxqabadka uu damacsanyahay hadii loo doorto xilka madaxweyne nimo waxaana uu sheegay in aanu isku siyaasad la aheyn musharaxiintii isaga ka horeysay ee meesha ka hadashay isagoo tilmaamay in uu wax ku wadi doono maslaxad isu soo gogol fariisi ah

“Waxaan aaminsanahay in la raadiyo xal oo lala fariisto mucaaradka figradeyda waa sidaas is afgaradna lagu dhameeyo qilaaf kasta oo jira”

Madaxweyne in aad noqoto oo subaxkasta aad u tagto kursi maran, Calool Maran iyo Caqli maran waa wax aan waxweyn sameyneyn,

Waxaan soo magaabi doonaa raiisul wasaare tayo iyo karti u leh howshiisa hadii la I doorto kaas oo ka shaqeeya xaaladaha ugu muhiimsan ee dalka.

Dumarka Soomaaliyeed waxaan siin doonaa hadii aan helo xilkan Raiisul wasaare ku xigeen oo aanay horay u qaban, iyagoo sidoo kale heli doona 3 wasaaradood oo aanay horay u qaban.

Waxaan balan qaadayaa isbedel la dareemo karo oo lagu sameeyo cisbitaalada iyo dhamaan qeybaha arimaha bulshada.

Qodobadaas iyo qodobo kale ayaa uu ka balanqaaday musharaxu xildhibaanada baarlamanka hortooda, Waxana uu u sheegay xil dhibaanada in maalinta isniinta loogaga fadhiyo in ay qaataan Go’aan