Shariif Sheekh axad ayaa ku bilaabay Khudbadiisa sharaf ayay ii tahay inaaan hortiina soo istaago si aan idiin weydiisto kalsoonidiina

waxaa uu ka hadlay waxyaalihii u qabsoomay intii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa lagu soo dhisay Wadanka Jabuuti waxaana uu sheegay in wixii ay xukuumadu ka dhaqaaqi weyday ay ahayd dagaalo joogta laakiin xukumadii 3-da ahaa ee dowlada loo dhisay waxay soo mareen Marxalado kala duwan.

Waxaa Dalka ka jiray Amni daro waxaan dhisnay ciidamo kala duwan oo Amniga Soomaaliya loogu talagalay inay wax ka qabtaan iminka waad ogtihiin heerka ay joogaan waxaa la aasaasay intii dowladu shaqeyneysay In Garsoorka iyo Bangiyada wadanka ay abaabuleen

Waxaa uu shariif khudbadiisa ku daray sida ay dowladu horumarin ugu sameeshay Garonka diyaaaradaha waxaana uu sheegay in wadahadalo lala furo Maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana uu sheegay inay dhiirigeliyeen Maamulada kale ee Dalka

Sharif Sheekh axmed ayaa ku dheeraday in Sannadkii la soo dhaafay qabteen Arimo kala duwan oo ay ugu horeyso Dastuurka iyo Xulista Xildhibaanada isaga oo sheegay in Maanta Muqdisho ay joogaan Musharaxiin Faraabadan.
Waxaan u gudbanayaa waxaan qaban karo hadaad I dorataan waxaa Dhisan ciidamo waxaa bilowday wadahadalada Gobolada Dalka ee Maamulada ka ajiraan waxaana muhiim ah inaan dhamyrtiro ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya oo aan xog ogaal u ahay.

Waxaan balanqaadayaa inaan Ciidamada Qalabka Sida ay hanaqaadi karaan Ciidamada Qalabka sida Muddo ku siman labo sanno hadii aad I doorataan waxaan isla labaadaas saano in uu gobolada dalka ka gaarto Cadaalada iyo garsoorka

Waxaa uu Sheekh Shariif sheegay in uu dib u dhis ku sameeyo Kaabayaasha Arimaha Buslhada Sida Korontada iyo Biyaha JIdadka guud ahaan Gobolada Dalka eeburburku saameyay

Waxana Ka shaqeyn doonaa Inaan soo celiyo qaxootiga jooga Dalalka Gobolka ee ka cararay dhibaatooyinka Dabada Dheraday waxaana Ku dadaalayaa inaan Laabta U dejiyo Dhamaan dadka dhibaaatadu soomaaliya ay qalbigooda dhaawacday.

Xiriirka Arimaha Dibada waxaan gaarsiiyay meel fiican waxaana aan sii wadi doonaa Arintaas intaan joogay waxaa soo booqday Madax kala duwan oo caalami ah kuwaas oo u yimid inay gacan siiyan Dadka Soomaaliyeed

Hadii aad I doorataan waxaan balan qaadayaa in mudda 120 maalmood ee Xukuumada la soo dhisaayo in aan isbadel muuqda Sameyn doono waxaan hayaa Afkaar Baratical ah taas oo ah in Maaliyada Dalka ay tahay mid Casri ah lacag kasta oo ka baxda iyo mid kasta oo so gasha ay tahay mid Habeysan.

Sheekh Shariif Waxaan Barlamaanka la wadaagi doono Arimaha Maaliyada oo ah inay la socdaan Dhaqaalaha Dalka o odhan anaga oo ka anbaqaadayna in eedaha ay meesha ka baxaan

Wadahadalaada Somaliland in la sii dardar geliyo lana heshiiyo kuna heshiisa Wax dan u ah umada Soomaaliyeed Waxaanse rajeynayaa in aan arintaas dhameystirkeeda Sameyn doono

Waxaan balan qaadayaa in hadii la I doorto in aan Xiriir fiican ka dhex sammeeyo Baarlamaanka Dowlada Dhexe Iyo madaxdooda waxana Wax badan ka qaban Doonaa Wacyiga Umada Soomaaliyeed .