Farmaajo ayaa hambalayo u diray baarlamaanka Cusub iyo Gudoonkooda waxaa uu xusay in howsha Doorashada Soomaaliya lagu qabanayo soomaaliya ay ku timid Naf hurnimo ay sameyeen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom

Waxaa uu xusay Faraaamajo in dad badan ay u dhinteen Dowlada Soomaaliya oo qaraxyo kala duwan iyo bareerba loogu dilay Wadanka Soomaaliya

Mr Farmaajo waxaa uu sheegay inay tahay marki labaad ee uu baarlamaanka Horyimaado isaga oo xusuusiyay qaar ka mid ah Balanqaadyadii uu baarlamaanka hor jeediyay Markii uu raiisul wasaaraha ka ahaa Dowladii hore waxaa uu marka xusuusiyay in dhamaan balanqaadkiisu uu fuliyay.

Waxaa uu sheegay In Shabaab ay nus KM u jireen Madaxtooyada Soomaaaliya waxaana ay Xabadaha Wiiftada ee ka timaada Shabaab ay waxyeeleyn jirtay ShaqaalahA Villa Soomalia

Waxaa uu Farmaajo sheegay in muddo 100 maalmood gudohod uu ku guuleystay inay helaan saad iyo Mushahar Islamarkaasina ay meesha ka baxdo Dayacii ay markii hore ku jireen oo ahayd mid aan loo dulqaadan Karin

Waxaa ay dowladu ku guuleystay 80% Caasimada Soomaaliya inay gacanta ku dhigto waxaa ay taas sahashay in Alshabaab uu garabkooda eebe ka baxay waxaa guusha iskaleh eebe ka sokow CDKMG Iyo Amisom.

Farmaajo ayaa ku dheeraday waxqabadkii Dowladiisii uu raiisul wasaaraha ka ahaa waxaana u xusay In miisaaniyad ay dowladiisu diyaarisay waxaan bixinay Musharaada waxaana hada ognahay In ciidamadu aysan muddo helin Musharadooda sida Baarlamaaka iyo Ciidama oo mudo ku siman 5 ilaa 10 bilood

Waxaan markii xilka  aan ka tagayay kaga tagay khasanada Dowlada $7.5 Million  anigoon markii hore wax lacag ah layma dhiibin waxaan tashiilay dhaqaalaha diyaaradaha waxaan la safri jiray Dadka rayid ah si ay meesha uga baxdo kharashka ku baxa Diyaaradaha Gaar ah

Waxaa uu farmaajo sheegay inuu ku guuleystay In dhaqan celin loo sammeeyay dhalin shabaab ka timid waxaa uu sheegay in xukuumadiisu wax badan qabatay oo ku aaadan adkeynta Ammaanka Dalka oo dhan.

Waxaa uu sheegay in Sheegay in kor loo qaaday dakhliga dowlada ee ka soo gala dekada iyo Airport waxaa uu sheegay in xukuumadiisu wax ka aasaastay in hawada la geliyo warbaahin qaranku leeyahay gaar ahaan TV-ga Qaranka

Mudadaas ayaa ka dhaxlay inaaan Dadku u baahan yahay hogaamiye daacad ah oo ka saara markaxalada hada lagu jiro hada

Waxaan ku bixinay Dhaqaalah Dalka ku bixinay Badbaadinta dhigaga ku daadataya Gobolada Dalka Soomaaliya

1-Raaci doonaa sharuucda Alle iyo kuwa shacabka (Dastuurka)waxaan shaqo toos ah la yeelan doonan Hayadaha Qaabilsan sida Barlamaanka Waxan balanqaadayaa inay heli doonan Baarlmaanka Xuquuqdooda  oo dhan sida deegaan Gadiid iyo Wax walba oo Muhiim aha sida Mushaharka
Waxaan balanqaadayaa xildhibaanada Lacagtii kamaqneyd inaan siin doono Si aan u siino Xuquuqdooda ka maqneyd mUddadii 10-ka a Bilood ee la soo dhaafay

Waxaan dhisi doonaan Wadoyinka Garsoorka IWM

Waxaan si weyn u dhisi doonaa Wadooyuinkaa
Waxaan dhisi doonaa Ciidamada Amniga oo nooc walba leh Bad iyo  bari

Waxaan Sammeyn doonaa Dib u heshiisiin Qaran oo aad u balaaran

Waxaan Horumarin doonaa Kabida Dhaqaalaha Dalka iyo Mashaariic Howl fulineed oo badan

Waxaan Dhiiri gelin doonaa in aqoonyahanada Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan Dalka Soomaaliya

Waxaan Soo celin doonaa Qaxotiga Gobolka  Jooga

Waxaan Dhaqan celin u sameyn doonaa Caruurta La kharibay

Waxaan Qeyb muhiim ah ka noqon doonaan Ururuadii nalaku yaqaanay oo dhan

Dardaaran ayaan ku soo gabagabaynayaa Soomaaaliya waxay manta mareysaa Meeshii Gobonimada oo kale waxayna u baahan tahaay in la gobo Midnimada

Waxaad kala dooraneysaan Xukuumad Badbaado qaran iyo Burburis Qaran

Fursada Maalinta Isniinta ah idin masoo marii doonto taalaada